Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Xuseen Maxamed Faarax Caydiid oo aabbihii ay muddo dheer saaxiibbo ahaayeen madaxweynihii geeriyooday ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay inuu ahaa in inta uu ka yaqaannay qof wadani.
Mudane Xuseen Caydiid wuxuu sheegay in isagoo sagaal sano jir ah uu bartay Col. C/llaahi Yuusuf oo ay aabbihii xabsiga Muqdisho kuwada xirnaayeen, wuxuuna xusay inuu ahaa mas'uul jecel Soomaalinimada.
"Waxaan tacsi u dirayaa qoyskii uu ka geeriyooday C/llaahi Yuusuf, sida xaaskii uu ka tagay ee Xaawo iyo caruurtiisa sida: Qadiijo iyo Maxamed," ayuu yiri Xuseen Cadydiid oo ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed inay iska cafiyaan madaxweynaha geeriyooday inta aan la aasin.
Xuseen Caydiid oo VOA-da wareysi siiyay isagoo ku sugan magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay maadaama uu ra'iisul waaare ku xigeen ahaa wixii uu kala socday soo gelitaankii ciidamadii Itoobiya ee Soomaaliya, isagoo sheegay in ciidamada Itoobiya ay billaabeen inay soo galaan Somalia markii uu geeriyooday aabbihii sannadkii 1996-kii.
"Ciidamada Itoobiya cid way kala tashadaan ma jirto soo gelitaanka Soomaaliya, wax mas'uuliyad ahna kuma lahan C/llaahi Yuusuf, waayo qoraalka ay kusoo galeen Soomaaliya waa mid ka horreeyay isaga," ayuu yiri Xuseen Caydiid.
Ugu dambeyn, Xuseen Caydiid wuxuu xusay in ciidamada Itoobiya aysan joojinayn faragelinta ay ku hayaan Soomaaliya, illaa Soomaalidu ay khilaafkooda joojiyaan ayna u sheegaan Itoobiya inay ogol yihiin daris kuwada noolaasho, walaalnimo iyo darisnimo, balse aysan ogoleyn faragelin.
Marxuum C/llaahi Yuusuf oo habeenkii Jimcaha ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta ayaa dadkii yaqaannay oo dhan waxay ku tilmaameen mas'uul wanaagsan, waxayna qaarkood sheegeen inuu ahaa nin hal-adag oo go'aankii uu qaaato jecel inuu meel-mariyo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya