Iskahorimaad dhimasho iyo dhaawac sababay oo Muqdisho ku dhexmaray Ciidammo kawada tirsan DKMG ah

 Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, saddex qof oo laba ka mid ah ay ahaayeen haweenna way ku dhaawacmeen, kaddib markii ciidammo kawada tirsan DKMG ah ay maanta ku dagaalameen goob barakacayaal loogu qaybinayay raashin gargaar ah.

Shaqaaqadan ayaa waxay ka dhacday waddada isku xirta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo isgoyska KM-4, iyadoo labada haweenka ah ee dhaawacmay ay ka mid ahaayeen dadkii barakacayaasha ahaa ee halkaas gargaarka loogu qaybinayay.

"Iska-horimaadku wuxuu ka billowday markii ciidammo ka tirsan dowladda KMG ah oo goobta raashinka laga qaybinayay ku sugnaa ay soo weerareen ciidammo kale oo doonayay inay raashinka boobaan halkaasna waxaa ka billowday dagaal," ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaashii halkaas ku sugnaa.

Dhaawacyadii ka dhashay dagaalka ayaa goobta laga qaaday iyadoo la geeyay isbitaalka Madiina si loogu daweeyo, waxaana muddo kooban hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka jidkaas iyo howshii gargaarka ahayd ee socotay.

Gargaarkan oo ahaa raashin ayaa wuxuu qayb ka yahay gargaarro ay hay'adaha samofalku siinayeen barakacayaasha ku sugan Muqdisho, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo ciidamada dowladda ay ku dagaalamaan goobaha lagu qaybiyo raashinka.

Iskahorimaadkii dhexmaray ciidamada DKMG ah ayaa si iskiis ah u istaagay iyadoo aysan jirin cid dhex-gashay, waxaana markii ay xalaaddu dib u hagaagtay billowday bixinta gargaarkii loo qaybinayay barakacayaasha.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya