Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) — Wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa isku raacay inay maraakiibtooda dagaalka bartilmaameedsan karaan doomaha kooxaha iyo waxyaabihii kale ee ay u arkaan inay burcadbadeedda leeyihiin ee dhinaca dhulka.
Arrintan ayaa loo arkaa inay muhiim u tahay la dagaalanka kooxaha burcadbadeeda Soomaalida. Illaa 10-markab maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ayaa ku sugan biyaha Soomaaliya kuwaasoo ilaaliya marinnada caalamiga ah ee ay maraakiibta isaga gooshaya dunida iyo weliba maraakiibta gargaarka wada.
Saraakiisha Midowga Yurub ayaa sheegay in qorshahan cusub uu u fasaxayo marakiibtooda iyo diyaaradahooda dagaalka inay rasaas ku ridi karaan baabuurta, doomaha iyo qalabka kale ee ay u arkaan inay leeyihiin burcadbadeedda.
"Qorshahan wuxuu maraakiibta Midowga Yurub u ogolaanayaa inay weerari karaan maraakiibta afduubka loo haysto, waxaase loo baahan yahay in laga fogaado in dad rayid ah ay ku dhintaan," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Spain oo suxufiyiinta kula hadlay xarunta Midowga Yurub ee Belgium.
Shirkan oo ay shalay yeesheen wasiirrada gaashaandhigga Midowga Yurub ayaa waxaa sidoo kale lagu go'aamiyay in howlgalka Midowga Yurub ay ka wadaan biyaha Soomaaliya uu sii socdo illaa sannadka 2014. waxaana ku kacaya dhaqaale gaaraya 20-milyan oo doollar.
Warbixinta Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay arrintan kala shaqeynayaan DKMG ah, iyadoo sidoo kale lagu sheegay qoraalka in madaxda dowladda Somalia ay ogolaadeen inay Midowga Yurub kala shaqeeyaan la dagaalanka burcadbadeedda.
Dhanka kale, madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan, wuxuuse ka digay in la dhibaateeyo dadka shacabka ah ee daggan meelaha ku dhow xeebaha.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya