Ra'iisul Wasaarayaashii lasoo shaqeeyay Col. C/llaahi Yuusuf oo sheegay inuu ahaa nin go'aannadiisa ku adag

Sabti, Maarso 24, 2012 (HOL) - Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ahaa ra'iisul wasaarayaashii lasoo shaqeeyay Col. C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxay labaduba sheegeen inuu ahaa nin go'aan qaadasho adag kuna dadaala inuu meel-mariyo go'aankiisa.

Labadan ra'iisul wasaare ayaa waxay muujiyeen sida ay uga naxeen geerida ku timid madaxweynihii ay lasoo shaqeeyeen, iyagoo tacsi u diray ehelladiisa iyo guud ahaan shacabka Soomaalida oo ay sheegeen inuu ka geeriyooday.

"Wallaahi wuxuu ahaa nin hal adag oo jecel inuu go'aankiisa uu meel-mariyo," ayuu yiri Nuur Cadde oo sheegay in muddadii ay shaqeynayeen uu soo dhexgalay khilaaf, balse wuxuu ku tilmaamay inuu ahaa nin howl-kar ah.

Prof. Geeddi ayaa isaguna ahaa ra'iisul wasaarihii ugu horreeyay ee la shaqeeya Col. Yuusuf ayaa sheegay inay isbarteen sannadkii 1997-kii, isagoo sheegay inuu u doortay inuu noqdo ra'iisul wasaaraha la shaqeeya.

"Aad ayaan uga naxay geerida C/llaahi Yuusuf, waxaana Alle uga baryayaa inuu ka waraabiyo jannadiisa," ayuu yiri Prof. Geeddi oo intaas ku daray inuu si wanaagsan ula shaqeeya intii ay wada-shaqeynayeen.

Madaxweynihii hore ee geeriyooday iyo labadiisa ra'iisul wasaare ayaa waxaa soo dhexgalay khilaafaad sababay in mid ka mid ah ra'iisul wasaarayaashaas cadaasi lagu saaro inuu xilka ka tago, halka khilaafka kalena uu Col. Yuusuf isku casilay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya