![]() |
| Mary Harper-Tifaftiraha BBC-da ee Arrimaha Africa |
Buuggan cusub oo cinwaan looga dhigay Getting Somalia wrong? oo macnaheedu yahay Soomaaliya oo khalad laga fahmay ayaa ka hadlaya arrimaha qabiilka,burcadbadeeda,Islaamiyiinta,fashilka dawladnimada Soomaaliya iyo waliba xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo caalamka kale.
Mary maahan qofkii ugu horreeyay ee ajnabi ah ee wax ka qora arrimaha Soomaaliya, balse waxaa ku soo jiidanaya marka aad akhrinayso buugan meesha ay kaga hadlayso taariikhdii Sayyid Maxamed Cabdille Xassan oo halgan dheer la galay ciidamadii Ingiriiska ee gumaysanayay gobollada waqooyi ee Soomaaliya.
Waxaana xusid mudan markii ay ciidamadii daraawiishtu dileen taliyihii ciidamada Ingiriiska ee ku sugnaa waqooyiga Soomaaliya Richard Corfield 1913 in Sayyid Mamaxed uu tiriyay gabaygii caanka ahaa ee ay kamid ahayd “Adaa koofilow jiitay oo aan dunida joogayne”. Waxaana markaas kadib ay ciidamadii Britain bilaabeen weeraro dhanka cirka ah oo lagu soo qaaday qalcadihii daraawiishta ee Taleex.
Qayb kamid ah buuga ayay sidoo kale Mary oo isku dayaysa inay cabirto dhaqanka Soomaalida ay kaga hadlaysaa jacaylka badan ee ay u hayaan Soomaalidu geela.
![]() |
Waxaa ay sidoo kale kaga hadlaysaa faragalinta banaanka uga imaanaysa Soomaalida oo ay u aragto inay uga sii dartay xaalada Soomaaliya, maadaama ay Soomaalidu mar walba ahaan jireen kuwo ka hortaga faragalinta uga timaada bannaanka.
Waxayna tusaale u soo qaadanaysaa dagaalkii ay taageerayaasha Maxamed Faarax Caydiid la galeen ciidamadii Maraykanka, taasoo xusuus xun ku reebtay dadka Maraykanka oo ka daawaday taleefishinnada maydadka askartooda oo lagu jiidayo wadooyinka Muqdisho.
Waxayna sheegtay in ka hortagida Maraykanka ay ka xanaajisay wadamada reer galbeedka, balse Soomaalidu ay waligoodba ahaayeen kuwo ka hortaga quwadaha waawayn sida ku xusan taariikhda casriga ah ee Soomaaliya.
Dhanka qabiilka ayay Mary buugeeda ku sheegaysaa in Soomaalidu ay ka duwanyihiin Afrikaanka kale, qaar badan oo Soomaalida kamid ahna ayba aaminsanyihiin inaysan Afrikaan ahayn.
Marar badan ayay Mary Harper buugeeda kaga hadlaysaa in wadamada banaanku ay ku guul darraysteen xal u helida xaalada Soomaaliya, loona baahanyahay in wadamada bannaanku ay fahmaan in Soomaalida loo daayo arrinkooda oo ay iyagu xalka keenaan iyadoo tusaale u soo qaadanaysa ammaankii ay Muqdisho ku soo celiyaan maxkamadihii Islaamiga ahaa 2006 iyo horumarka hanaanka siyaasadeed ee ay gaartay Somaliland.
Mary buuggaan cusub ee ay ka qortay Soomaaliya ayaa wada taabanaya wadciga haatan uu dalku ku jiro iyo sidoo kale taariikhdii hore ee ummada Soomaaliyeed.
Waxaana Mary oo la hadashay Hiiraan Online ay sheegtay inay jeceshahay Soomaalida iyo taariikhdeeda ayna arrintan ka dhaxashay hooyadeed oo kalkaaliye caafimaad ka ahaan jirtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya sannadihii sagaashameeyadii.
Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya

