Talaado, Jannaayo 31, 2012 (HOL) − Afhayeenka xukuumadda KMG Sooamaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in dalalkii shirkii kooxda ICG ka qaybgalay ay isku raaceen in muddo kooban lagu xalliyo khilaafka ka dhex oogan baarlamaanka Soomaaliya.
Inj. Yariisow ayaa sheegay in baarlamaankan uu shaqeyn doono muddada ka harsan xilliga KMG ah, markaas kaddibna lasoo dooran doono baarlamaan cusub oo meteli kara shacabka Soomaaliyeed, soona dooran kara dowlad tayo leh.
"Qodobbadii la iskula gartay shirka waxaa ka mid ah in khilaafka baarlamaanka u dhexeeya lagu dhameeyo muddo kooban, kooxdii diidda in la khilaafka meesha laga saarana loo aqoonsado kuwo qaswadayaal ah oo kasoo horjeeda Roadmap-ka iyo heshiiskii Garoowe," ayuu yiri Inj. Yariisow.
Afhayeenku wuxuu sheegay in shirkii Jabuuti lagu soo gabgabeeyay ee kooxda ICG uu aad uga duwanaa shirarkii ka horreeyay, wuxuuna sheegay in qodobbadii kasoo baxay ay ka mid ahaayeen in la taageero shirka London lagu qabanayo dhamaadka bishan.
"Waxaa kaloo la isla gartay in baarlamaanka la yareeyo lana helo baarlamaan tayo leh oo matali kara shacabka Soomaaliyeed marka la gaaro Ogoosto, si uu u soo doorto dowlad tayo leh oo mateli karta shacabka Soomaaliya," ayuu Inj. Yariisow hadalkiisa ku daray.
Khilaafka u dhexeeya baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu noqday mid gaaray heer aad u sarreeya, iyadoo xubnaha kasoo horjeeda afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan ay ku adkeysanayaan go'aankii ay xilka uga qaadeen kuna doorteen Xildhibaan Madoobe Nuunow.
Wafdigii ra'iisul wasaaraha Soomaaliya uu horkacayay ee ka qaybgalay shirkii ICG ee lagu qabtay Jabuuti oo ka mid ahaa afhayeenka xukuumadda ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya