Talaado, Jannaayo 31, 2012 (HOL) − Iyadoo muddo seddex maalmood ah ay diyaaradaha dagaalka ee Kenya duqeyn ku hayeen deegaanka Dalaayad oo qiyaastii 25-km dhanka bari kaga beegan degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose ayaa waxa maanta halkaas ka qarxay dagaal fool-ka-fool ah.
Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ay weerar ku qaadeen Tuulada Dalaayad oo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada Alshabaab, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka qarxay dagaal aad u xoogan oo labada dhinac ay isu adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Illaa imika lama oga qasaaraha rasmiga ah ee ka dashay dagaalka, waxaana gabi ahaanba hawada ka maqan isgaarsiinta deegaanka uu dagaalka ka socdo haseyeeshee dadka ku dhaqan deegaanada ku dhow dhow goobta uu dagaalka ka qarxay oo HOL u waramay ayaa inoo xaqiijiyay in dagaalka ay ku dhinteen laba qof oo rayid ah.
Dagaalka oo markii hore ka qarxay duleedka deegaanka Dalaayad ayaa la sheegay in xoogaga Alshabaab dib loo soo baacsaday haatanna uu dagaalku ka soconayo gudaha deegaanka Dalaayad ee gobolka Jubada Hoose.
Deegaanka Dalaayad oo hoostaga degmada Badhaadhe ayaa mudooyinkii u danbeeyay waxa ka jirya xiisado dagaal iyadoona inta badan dadkii ku noolaa halkaasi ay isaga barakaceen kadib duqeymo isdaba joog ah oo maalmahan ka socday, waxaana uu deegaanka saldhig u ahaa xoogaga Alshabaab ee iyagu dhawaan isaga soo baxay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose.
Weli waxa soconayo dagaalka, wixii warar ah ee kasoo kordhana dib ayaan idinka soo gudbin doonaa haduu Alle idmo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya