Dagaal Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada DKMG ah, AMISOM iyo Xoogaga Xarakada Al-shabaab

Talaado, Jannaayo 31, 2012 (HOL) − Inta la ogyahay toddoba qof oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo xalay ku dhexmaray Muqdisho ciidamada DKMG ah oo garabsanaya AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab.

Goobaha ay dagaalladu ka dhaceen ayaa waxay ahaayeen isgoyska ex-koontarool Afgooye iyo xaafadda Bangalo ee degmada Dayniile, waxaana dagaalladu ay qarxeen markii Al-shabaab ay weerarro ku qaaday saldhigyo ay ku sugan yihiin ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray saddex qof oo shacab ah kuwaasoo ay kula dhacday madaafiic deegaannada loo barakacay ee duleedka Muqdisho, iyadoo kuwa kale ee dagaalka ku dhintay ay ahaayeen dhinacyadii hardamayay.

Qaar ka mid ah dadka ku nool duleedka Muqdisho ayaa sheegay in dagaalkii xalay uu ka mid ahaa dagaalladii ugu cuslaa ee ay maqleen toddobaadyadii lasoo dhaafay iyagoo sheegay in madaafiicda dagaalka qaarkood ay xaafadahoodu kusoo dhaceen.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhaawacyada ka dhashay dagaalka ayaa waxaa ka hadlay saraakiil ka tirsan DKMG ah iyo kuwa Al-shabaab iyadoo dhinac walba uu sheegtay guul, sidoo kalena aysan ka hadlin khasaaraha soo kala gaaray.

Saraakiisha ciidamada Burundi ayaan ka hadlin khasaaraha kasoo gaaray dagaalkii xalay ciidamadooda iyo kuwa Al-shabaab dhexmaray, iyadoo afhayeen u hadlay Al-shabaab uu sheegay in dagaalkan uu qayb ka yahay qorshayaal ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya