Ciidamada Kenya iyo Kuwa Dowladda KMG oo la Wareegay Deegaanka Dalaayad ee Gobolka Jubada Hoose

Talaado, February 07, 2012(HOL) - Ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ayaa maanta la wareegay deegaanka Dalaayad kadib dagaal culus oo ay la galeen xoogaga Alshabaab ee
ku sugnaa deegaankaasi.

Dagaal culus ayaa saaka gudaha deegaanka Dalaayad ee gobolka Jubada Hoose
ku dhexmaray xoogaga Alshabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya
kuwa Kenya, waxaana dagaalku uu qaatay mudo saacado ah iyadoona ay
deegaanka dalaayad si buuxda haatan gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda
KMG iyo kuwa Kenya oo isgarabsanaya.

Mid kamid ah dadka ku dhaqan Degmda Badhaadhe  oo ku dhow deegaanka ay
saaka dagaalladu ka qarxeen ayaa HOL u xaqiijiyay in deegaanka Dalaayad ay
haatan gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo is
garabsanaya.

Lama oga qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac, waxaana
dagaalku xoogiisa uu ka dhacay dhul hood ah oo ku yaal duleedka deegaanka
Dalaayad, mana jiraan ilaa imika masuuliyiin katirsan dhinacyadii uu
dagaalku dhexmaray oo faahfaahin ka bixisay dagaalkii saaka iyo weliba
qasaaraha ka dhashay.


Xaaladda deegaanka Dalaayad ayaa lagu soo waramayaa in ay weli tahay mid
kacsan, iyadoona rasaas goos goos ah ay weli ka dhaceyso duleedka
deegaankaasi oo ay isku horfadhiyaan xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada
dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya.

Dowladda Kenya oo ay wehliyaan ciidamada dowladda KMG iyo ururka
Raaskaambooni ayaa wado dagaal saf ballaaran ah oo ay ku soo qaadeen
deegaanada gobollada Jubooyinka ee ay ku suganyihiin xoogaga Alshabaab,
waxaana saraakiil u hadashay militariga Kenya ay sheegeen in ay ku
wajahnyihiin magaalada Kismaayo oo ay Dowladda Kenya aaminsatahay in ay
tahay halka xoogaga Alshabaab ay ka helaan dhaqaalaha ugu badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho , Soomaaliya