Qarax ka dhacay Waddada Via Roma ee Magaalada Muqdisho iyo Saraakiil Booliis DKMG ah ee Soomaaliya oo ka hadlay

Talaado, Jannaayo 31, 2012 (HOL) − Qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay qarax barqonimadii maanta ka dhacay jidka Via Roma ee degmada Xamarweyne, sida uu saxaafada u sheegay taliyaha ciidamada booliiska gobolka Banaadir, Col. Axmed Xasan Maalin.

Col. Maalin wuxuu sheegay in qaraxu uu ka dhacay miino jidka geeskii lagu qariyay, isla markaana ay arkeen dadka deegaanka, isgaoo sheegay in ciidamada dowladdu ay qarxiyeen.

"Qof rayid ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa, mana jiraan khasaare kale oo uu dhliyay," ayuu yiri Col. Maalin. Isagoo sheegay inaysan jirin cid loo qabtay miinada lagu qariyay jidka.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Xamarweyne ayaa u sheegay warbaahinta inay maqleen qarax weyn, iyagoo sheegay in goobta uu qarxu ka dhacay ay xilligaas joogeen ciidammo ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Degmada Xamarweyne ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay dowladdu gacanta ku haysay ka hor inta aanay isku baahin magaalada Muqdisho oo ay isaga baxday Al-shabaab horraantii bishii Ogoosto ee sannadkii hore.

Xaaladda ayaa hadda waxay tahay mid daggan, waxaana dib u billowday isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha jidka Via Roma, waxaana degmada Xamarweyne ka furan suuqyo waaweyn oo laga adeegto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya