Talaado, February 07, 2012(HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Abdiweli Mohamed Ali ayaa maanta dib ugu soo laabtay Caasimadda dalka ee Muqdisho ka dib safarro uu ku soo kala bixiyey Rome, Nairobi iyo Jabuuti.
Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa booqasho rasmi ah ku tegey dalka Talyaaniga 29kii Janaayo ilaa iyo 1dii Febraayo ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Dalka Talyaaniga Mario Monti.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulamo la soo qaatay Wasiirada Arrimaha Dibedda, Arrimaha Gudaha, Gaashandhiga iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa kala hadlay dhigiisa dalka Talyaaniga xiriirka qotoda dheer ee labada dal, arrimaha amniga iyo shirka London ee 23ka Febraayo 2012. Ra’iisul Wasaaraha ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in warqad la sheegay inay ka soo baxday dalka Talyaaniga uu kala hadlay dowladda Talyaaniga ayna caddeeyeen inaysan warqadaas aheyn mid ka tarjumeysa siyaasadda Talyaaniga. Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay inaan la aqbali Karin in Soomaaliya dib loogu celiyo gumeysi oo uu sheegay in Soomaaliya ay tahay Dowlad madax-bannaan oo caalamka ka mid ah.
Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay inuu Nairobi kula kulmay saddexdii Febraayo Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ingiriiska William Hague oo ay ka wada hadleen arrimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen Shirka London ee 23ka Febraayo iyo xiriirka labada dal ee Ingiriiska iyo Soomaaliya. Waxuuna sheegay in uu u sheegay Dowladda Ingiriiska in Soomaalidu ay aad ugu hanweyn yihiin kana filayaan rajooyin wanaagsan shirka London oo uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka sugeyso shirkaas inuu matalo maslaxadda Soomaaliya oo lagu horumariyo Roadmap ka iyo Garowe Principles oo la rajeynayo in baarlamaanka cusub uu noqdo 225 mudano oo tayo leh iyo in la sii dhameystiro Dastuurka cusub.
Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa ka warbixiyey safar uu ku tegey Djibouti afarii tii ilaa lixdii Febraayo oo uu uga qeybgalay Shirkii Kooxda Xiriirka Caalamiga ah (ICG) oo kulankoodii 21aad ku yeeshay Djibouti ayna ka soo qeybgaleen 40 dowladood loogana hadlay sidii Dowladda looga saacidi lahaa Qorshaha Xasilinta Degmooyinka iyo Gobolada Gaar ahaan goobaha laga saaro Al-Shabaab, si shacabka loogu gurmado oo ay u helaan adeegyadii bulshada isla markaana u sameystaan guddiyo amni iyo maamul ay aayahooda uga tashadaan. Sidoo kale shirka waxaa aad looga hadlay sidii loo soo afjari lahaa Xilliga Kala Guurka ah.
Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay inuu kulamo la yeeshay Madaxweynaha Djibouti Mudane Ismail Omar Gelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Djibouti Dileyte Mohamed Dileyte ayna ka wada hadleen xiriirka labada dal isla markaana uga mahadceliyey ciidamdii ay dhowaan Djibouti u soo direen Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta soo maray magaalooyinka Garowe iyo Galka’yo inta aanu iman Muqdisho oo uu madaxda iyo shacabka maamuladaas kala hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa Roadmapka iyo Garowe Principles.
Maxamed Xaaji Xuseen,Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho , Soomaaliya
Ra'iisul Wasaaraha oo dalka dib ugu soo laabtay kadib socdaalo uu ku tegay dalalka Italy, Kenya iyo Jabuuti
More News
- Mary Harper oo Buug cusub ka qortay arrimaha Soomaaliya
- Aqoonyahan Soomaaliyeed oo soo jeediyay in la dajiyo nidaam xisaabeed oo looga hortago musuqmaasuqa
- Ciidamada Kenya iyo Kuwa Dowladda KMG oo la Wareegay Deegaanka Dalaayad ee Gobolka Jubada Hoose
- Dagaal Culus oo Goor-dhawayd ka Qarxay Deegaanka Dalaayad ee Galbeedka Gobolka Jubada Hoose
- Afhayeenka Xukuumadda Somalia oo sheegay in caalamku isku raacay in xal loo helo khilaafka Baarlamaanka
- Dagaal Magaalada Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada DKMG ah, AMISOM iyo Xoogaga Xarakada Al-shabaab
- Qarax ka dhacay Waddada Via Roma ee Magaalada Muqdisho iyo Saraakiil Booliis DKMG ah ee Soomaaliya oo ka hadlay
- Al-shabaab oo xafiisyo ay iska diiwaan-gelinayaan dadka Jihaad-doonka ah ka furtay Degmada Baydhabo
- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegay in khasab looga saarayo ciddii diidda inay Xarumaha Dowladda ka baxdo
- Dalalka Soomaaliya iyo South Sudan oo kala saxiixday Heshiis laba geesood ah
- Machadka Faafinta Diinta Islaamka ee Hargeysa oo kuraas ugu deeqay Xarunta Agoonta Magaalada Hargeysa