Talaado, Feberaayo 07, 2012 (HOL) − Machadka faafinta diinta Islaamka ee Hargeysa ayaa 200 oo kursi ugu deeqay xarunta agoonta ee magaalada Hargeysa, iyadoo la sheegay in xaruntu ay baahi weyn u qabtay kuraastaas.
Munaasibad Ballaadhan oo loo sameeyey Wareejinta Qalabkaasi oo lagu qabtay Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa ka soo Qayb galay, Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex, Axmed Cumar X. Cabdilaahi Xamarje, Guddoomiyaha Machadka Faafinta Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), Madaxa Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada Aamina Maxmuud Diiriye, Agaasimaha Xafiiska Siyaasadda iyo Xidhiidhka Goleyaasha Madaxtooyada Bashiir Cabdi Xariir ku Simaha Agaasimaha ee Xarunta Agoomaha, Masuuliyiin ka socday Ururka Haweenka NOW iyo marti sharaf kale oo badan.
Gudoomiyiha Machadka Faafinta Islaamka Sheekh Maxamed Cabdi Yuusuf (Mooge), ayaa sheegay inay Kaalmadani tahay mid ay hore u balan qaadeen oo ay Oofinayaan, isla markaana ay doonayaan inay ku caawiyaan Xarunta Agoomaha ee magaaladda Hargeysa, isagoo arrintaasi ka hadlaya waxa uu yidhi " Alaabtan aanu u keenay Xarunta Agoomaha, waxay ahayd mid aanu hore u ballan qaaday maalintii aanu Dharka keenay oo uu ILAAHAY noo soo sakhiray, waana Laba Boqol oo kursi, imikan waxaanu ku dadaali doonaa sidii aanu Miisas koodii u heli lahay, waxaanu tegeynaa Xarunta nalaga Xukumo ee Nairobi ku taala markaas ayaanu ku odhan doonaa Madaxda Machadka Faafinta Islaamka, waxaa loo baahanyahay Miisaskii oo hadii kale waxay noqonaysaa Alaab kala dhiman"ayuu yidhi
Ku simaha Agaasimaha Xarunta Agoomaha ee Magaalada Hargeysa Canab Xasan Nuur oo iyaduna ka hadashay goobta ayaa sheegtay inay aad ugu mahad celinayaan Machadka Faafinta Islaamka ee Deeqda u keenay, isla markaana ay ka guddoomeen.
Agaasimaha Samo falka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diiriye oo iyadana halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay si fiican ula shaqaynayaan Machadka Faafinta Islaamka, isla markaana ay aad ugu mahad celinayaan Kaalmada fiican ee ay ugu deeqeen Machadka Faafinti Xarunta Agoomaha ee Hargeysa, iyada oo sheegtay inay Machadkani yihiin qaar ku dadaalaya inay wax taraan Caruurta Agoomaha ah ee k u jira Xarunta Agoomaha aadna ay ugu mahad naqayaan.
Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Mr:Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarje) oo ugu dambayntii ka hadlaya goobtaasi ayaa sheegay inay Kaalmadani tahay mid wax ku ool ah oo wax badan ka tari doonta Baahida ka jirta Xarunta Agoomaha ee Hargeysa , isaga oo uga mahad celiyey si ay isugu xilqaameen inay wax taraan Caruurta Agoomaha ah ee ku jira Xarunta Agoomaha Hargeysa, waxaanu ugu dambayntii ka guddoomay 200- ee Kursi ee ay ugu deeqeen Machadka Faafinta Islaamku oo ah waliba kuwa qaaliga ah.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland