Talaado, Jannaayo 31, 2012 (HOL) − Xarakada Al-shabaab ayaa waxay xafiisiyo lagu diiwaangeliyo dadka jihaad-doonka ah ka furtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo loogu baaqay ragga iyo haweenka inay qayb ka qaatana dagaallada socda.
Sheekh C/qaadir Abeynaa oo ka mid ah xubno Al-shabaab ka tirsan oo wada olole ay uga dhaadhicinayaa dadka ku nool gobollada ay ka taliyaan inay dagaallada ka qaybgalaan ayaa sheegay in xafiisyadan ay hordhac u yihiin xafiisyo laga furayo guud ahaan degmooyinka gobolka Bay.
"Dagaalka lagu soo qaaday Soomaaliya waa mid lagu doonayo in lagu burbuiyo diinta Islaamka, sidaa daraadeed waxaan furnay xafiisyo ay haweenka iyo raggu iska diiwaangeliyaan si ay dagaallada uga qaybqaataan," ayuu yiri Sheekh Abeynaa.
Sarkaalku wuxuu intaas ku daray in qof walba oo awood leh looga baahan yahay in uu isku diiwaangeliyo sidii uu qayb uga qaadan lahaa dagaallada lagula jiro ciidamada, Kenya, AMISOM iyo kuwa Itoobiya ee dagaalka kula jira Al-shabaab.
"Cid walba oo isku diiwaangelisa inay dagaallada ka qaybgasho waan soo dhaweynaynaa. Waxaan maalmaha soo socda howlo wacyigelin ah aan ka billaabi doonnaa degmooyinka gobolka oo ay ugu horreyso degmada Qansax-dheere," ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Abeynaa.
Ma ahan markii ugu horreysay oo Xarakada Al-shabaab ay furto xafiisyo ay isku diiwaangeliyaan dadka jihaad-doonka ah, balse waxay xafiisyo noocan oo kale ah ay horay uga hirgeliyeen degmooyinka gobollada Shabeellooyinka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya