Aqoonyahan Soomaaliyeed oo soo jeediyay in la dajiyo nidaam xisaabeed oo looga hortago musuqmaasuqa


Talaado, February 07, 2012(HOL): Eng. Cabdi Tahliil C/raxmaan oo ka mid ah aqoonyannada Soomaaliyeed , isla markaana kamid ahaan jiray xisaabiyayaashii hore ee Soomaaliya ayaa ka digay sii socoshada musuqmaasuqa ka dhex jira dawlada Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in sii socoshada musuqmaasuqa hay’adaha kala duwan ee Soomaaliya ay khatar galinayso hanaanka dawladnimo ee dalka, taasoo uu qayb ka yahay qaabka qabiilka wax lagu qaybsanayo oo uu sheegay inuu yahay kan keenaya musuqmaasuqa ugu badan oo reer kasta wasaaradii loo dhiibo ay u isticmaalayaan sida hantidooda.

Waxaana Eng. Cabdi Tahliil C/raxmaan uu ka digay in Soomaaliya ay gacanta u galayso quwado shisheeye iyo wadamada dariska ah, hadii aysan Soomaalidu mar kale u soo jeesan wax ka qabashada dalkooda.

“Soomaaliya kadib 21 Sano oo ay ku jidhey  Foodo, Iscun, Qaxooti, Barakac iyo Wadankoodii oo loo kala Qeybiyay Qeybo yar yar, intii kalana ay Adduunweynahu kadhigtey Qashin Qub iyo wax ay qaataan Qeyraadkeeda, sidda Baddii ,

Gumeysi ama loo kala Qeybiyo Wadamada Deriska la ah, Kadib 52 Sano oo ay ahayd Dowlad Madax bannaan iyo toban Sano oo ay haysatay Maamul Daakhili ah, waa 62 Sano”. Ayuu yiri Eng. A.T.

Waxaana u hadalladan ka sheegay Cabdi Tahliil C/raxmaan mar uu shir jaraa’id ku qabtay hotelka Grand Royal ee magaalada Nairobi, isagoo ku baaqay in si wanaagsan loo maareeyo lacagaha deeqda ah ee Soomaaliya ay siiyaan wadamada caalamku.

 “Xaga Lacagta Macaawinada ah  waa in ay ka timaadaa Bangiga Dhexe ee Dowladda bixisey ilaa Bangiga dhexe ee Soomaaliya, Shaqsina maqaadi karo, wax kasta oo uu yahay, isla markaasna waa in ay helaan Koobis, Wasaaradaha, Maaliyadda iyo Arimaha Debeda, Sidaas ayaana xatooyada looga badbaadin karaa”. Ayuu sii raacshay.

Hadalka Engineer Cabdi Tahliil C/raxmaan ayaa ku soo beegmay xilli hay’ada qiimaysa hufnaanta wadamada caalamka ee Transparency International  ay ku tilmaantay Soomaaliyaa mid kamid ah wadamada ugu horreeya dhanka musuqmaasuqa iyo hanti dhunsiga.

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya