Ciyaarihii Kubadda Cagata ee Somali Challenge Cup 2011


Talaado, May 24, 2011(HOL): Ciyaarihii kubada cagta ee mudad dheer lagu qaban jirey ee Somali challenge cup oo ka bilaabmey London xaafada Hayes, ciyaarahan oo maraya lix sano ilaa maalintii la bilaabey, waxana soo qaban qaabiyey hayada loo yaqaan HAYA, haddaba waxan sanadkan ugu bushaareyna 8 kooxod ee ka soo qay galey, ku waas oo kala ah.

 

Ujeedada tartankan loo qabto sanad kasta ayaa waxay tahay sidii loo heli lahaa dhalinyaro Isboortiga ciyaarta oo weliba xirfadlayaal ah, waxaana sanadkii hore ee 2010 koobkan ku guuleystay Kooxda London Stars.

 

8-da Kooxood ee koobka uu dhex yaallo ayaa la eegi doonaa kooxda ku guuleysata ee noqota Horyaalka Tartankan Kubadda Cagta Somali Challenge Cup 2011.

 

Alhijra (North London)

London Stars (Wembley)

United Stars  ( Southall)

Iqra (Leicester)

Bristol Fc (Bristol)

Horseed (West London)

Hilltop (Wembley)

Harrow fc (Harrow)