Talaado, May 24, 2011 (HOL) – Madaxwaynaha Puntland C/rixmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta ka duulay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaaso,iyaga oo ku sii jeeda magaalada Nairobi si ay uga qayb galaan shir golaha ammaanka uu martagaliyay oo ka dhacaya halkaasi.
Shirka ay ka qayb gali doonaan madaxda Puntland ayaa waxaa ka soo qayb gali doona ha'yadaha uga sareeya dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo qaar kamid ah maamulada ka jira gudaha dalka Soomaaliya si looga wada hadlo khilaafaadyada hadda jira.
"Waxaa nalagu casuumay shir hal maalin soconaya oo ka dhici doona Nairobi ,kaasi oo ay ka soo qayb gali doonaan madax sar-sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay"ayuu yiri madaxwaynaha oo la hadlay warbaahinta ka hor intii uusan garoonka ka duulin.
Madaxwayne Faroole ayaa sheegay in shirkan uu yaahy mid lagu saxi doono khaladaad la sheegay in ay ka dhex jiraan madaxda dowladda KMG ah ,isla markaana maamulada dalka ka jira looga kaashan lahaa xal u helidda dhibatooyinka qaar ee ka jira gudaha wadanka.
Wasiiru-dawlaha madaxtooyada Puntland ee Maamul wanaagga Maxamed Faarax Ciise oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxwaynaha uu shirkaasi ka jeedin doono khudbad muhiim ah oo la xiriirta go,aanka maamulka ee dhinaca federaalka.
"Maamulka Puntland waxa uu difaaci doonaa go'aan kasta oo xal lagu gaarayo si meesha uu uga baxo is-qab-qabsiga "ayuu yiri wasiirka oo isna warbaahinta la hadlay,isagoo beesha caalamka ugu baaqay in la taageero dadaallada hadda socda.
C/rixmaan Sheekh Maxamed Faroole madaxwayanaha Puntland ayaa sheegay in maamulkiisa uu taageeri doono in doorashada waqtigeeda aysan dhaafin ,isagoo muujiyay in ay aad uga xunyihiin khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya gaar ahaan madaxwaynaha iyo gudoomiyaha barlamanka.
Maamulada shirkan ka soo qayb gali doona waxaa ka mid ah Gal-Mudug, Puntland ,iyo ururka Ahlu-sunna, waxaana lagu wadaa in madaxda dowladda lagu qanciyo sidii meel dhexe ay isugu imaan lahaayeen, iyadoo loo eegayo waqtiga kala guurka ah ee iminka lagu jiro.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya