Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlay qaabka loo xusay 18 May

Talaado, May 24, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay sida ay dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan gudaha dalka iyo dibeddiisuba uga qayb-qaateen Xuskii 18 May.

Axmed-Siilaanyo waxa uu isu-soo-baxyadaas ku tilmaamay kuwo ammaan mudan, isla markaana wuxuu ku bogaadiyay dadkii isu-soo-baxyada ka dhigay daafaha Caalamka. "Dhamaan shacbiga reer Somaliland mid yar iyo mid weynba, mid maqan iyo mid joogaba waxaan u dirayaa mahad-naq iyo Boogaadin balaadhan sidii weynayd ee maamuuska iyo midnimada lahayd ee ay uga qayb qaateen una muujiyeen xuskii sannad guurada 20-aad ee 18-May, oo ah maalin inagu wayn,"ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo,

Wuxuu intaa raaciyay, "Waxa aan mar kale idiinka mahad-naqayaa isu soo baxyadii aad ka dhigteen daafaha dunida iyo dalka gudihiisaba, sidoo kale waxa aan mahad-naq balaadhan u dirayaa Ciidamada Qaranka iyo Ciidamada Amniga Somaliland oo door-weyn ka qaatay sugida Amniga iyo nabad-gelyada dalka."

Madaxweynuu waxa kale oo uu u mahad-naqay Saxaafadda iyo sidoo kale guud ahaanba qaybaha kala duwan ee Bulshada oo uu sheegay inay door laxaad leh ka qaateen xuska 18 May oo si nabad ah ku qabsoomay.

Barkhad M. Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland