Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Dooxada Shabeelle oo ku dagaallamay duleedka Magaalada Beledweyne

Talaado, May, 23, 2011 (HOL)- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal galinkii danbe ee shalay ku dhaxmaray deegaannka Bacaad ee duleedka Beleweyne ayaa waxaa ay sheegayaan in uu sababay khasaare isugu jiray dhamasho iyo dhaawac.

Dagaallka oo bilaawday kadib markii xoogagga xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ay ku lahaayeen xoogagga Dooxada Shabeelle deegaannka Bacaad, waxaana halkaa uu dagaal culus ku dhaxmaray xoogagga labada dhinac.

Afhayeen u hadllay maamulka Dooxada Shabeelle oo lagu magacaabo Max'ed Nuur Caga-joof oo warbaahin la soo xiriiray ayaa sheegay in dagaallku ka dhashay weerar markii hore lagu soo qaaday ciidamadooda, laakiin markii danbe sida uu hadalka u dhigay khasaro gaarsiiyeen dhinacii soo weeraray, waxaana uu sheegay in ay dilleen qaar ka mid ah dagaallyahanada xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab.

Marka laga soo tago sheegada dhinaca xoogagga Dooxada Shabeelle ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee goballka Hiiraan.

Ma'aha markii ugu horeysay oo labada dhinaca ku diriraan deegaannka Bacaad, waxaana uu inta badan dagaallkaasi ka dhashaa weerar xoogagga xarrakada Al-shabaab ku qaadaan dhinaca xoogagga Dooxada Shabeelle oo dagaal kula jira maamulka xarrakada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya