Xarrakada Al-shabaab oo ku eedeysay AMISOM inay waddo dagaal dhaqaalaha Soomaaliya lagu burburinayo

Talaado, May 24, 2011 (HOL) – Ciidamada ka socda dalalka Uganda iyo Burundi waxay ka wadaan Muqdisho dagaallo ay ku burburinayaan dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed, inta badanna waa kuwo la qariyo dhacadooyinka cadownimada leh ee ay kula kacayaan shacabka Muqdisho iyaga iyo ciidamada la socda, ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay maanta soo saartay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Nuqul ka mid ah warsaxaafadeedkan oo soo gaaray HOL ayaa lagu sheegay in markii ay shacabka Soomaaliyeed kasoo baxeen abaaro bilooyinkii ugu dambeeyay ay la dhutinayeen ayna billlaabeen inay dib u dhisaan noloshooda ay ciidamada ka socda Midowga Afrika bilaabeen olole dagaal oo ay ku burburinayaan dhaqaalaha shacabka Soomaaliyeed.

"Shacabka Muqdihso waxay bilaabeen inay ka hortagaan ciidamada duulaanka wada iyo qorshayaasha ay wataan oo ay ka mid yihiin inay baabi'iyaan ku dhaqanka Islaamka ay ka hirgeliyaan dalka hadafka Mareykanka ee ku wajahan bariga Afrika iyagoo ku shaqeynaya qaab calooshood u shaqeytenimo ah," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in hadafka ciidamada AMISOM ay u dagaalamayaan uu hirgeli waayay kaddib markii ka hortageen xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, taasoo keentay in saraakiishooda iyo kuwii la safan lagu jiido waddooyinka Muqdisho.

"Ujeeadooda dhabta ah ee ay leeyiiin ciidamada isbahaysanaya waa inay beegsadaan dadka shacabka ah ayna burburiyaan hatida shacabka Muqdisho," ayaa warsaxaafadeedka Xarrakada Al-shabaab lagu sheegay.

Warsaxaafadeedka waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada is-garabsanaya ay weerar ku qaadeen suuqa bakaaraha oo ay isugu yimaadaan maalin walba tobannaan kun oo qof oo Soomaali ah si ay nolol maalmeedkooda u dhacsadaan, iyagoo ku garaaca madaafiic culus oo ay si gaar ah ula eeganayaan hoteellada, bakhaarada iyo dukaamada, iyagoo ku dila dad badan oo shacab ah.

"Duqemaha ma ahan goobaha lala beegsaday Bakaaraha oo keliya, balse waxay la eegteen degmooyinka ay shacabka deggen yihiin, isbitaallada, suuqyo kale ee ku yaalla degmooyinka Yaaqshiid, Huriwaa iyo Kaaraan, kuwaasoo ay ku dileen kuna dhaawaceen kumanaan qof oo aan waxba galabsan," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Gabgabadii warsaxaafadeedka ayay Xarrakatul Shabaab ku sheegtay in dagaalladii shalay dhacay ay ku dileen sarkaal lagu magacaabi jiray Dooxa Koofi iyo tobanaan kale oo askar ah, kuwaasoo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen ilaalada madaxtooyada Soomaaliya.

Xarrakatul Shabaab, waxay ku ballanqaadday warsaxaafadeedkeeda inay diinta Islaamka ka difaacayso cadowga duullaanka ku ah oo ay sheegtay inay yihiin masiixiyiinta reer galbeedka ah iyo calooshood u shaqeystayaal Afrikaan ah, ayna sidoo kale difaaci doonaan sharafta Muslimiinta. Iyagoo xusay in Soomaaliya ay ku baahin doonaan ku-dhaqanka shareecada Islaamka, aysanna ogolaan doonin in lagu xukumo Soomaaliya wax aan sharciga Alle ahayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya