Talaado, May 24, 2011 (HOL) – Laba ruux oo Soomaali ah ayaa qirtay shalay inay qayb ka ahaayeen afduub loo geystay afar qof oo Mareykan ah bishii Feberaayo ee sannadkan, kuwaasoo markii dambe la dilay, waxaana labadan ruux ay ka mid yihiin koox dad ah oo ku xiran dalka Mareykanka loona haysto inay afduubka iyo dilka gacan ka geysteen.
Burhaan C/raxmaan Yuusuf iyo Jeylaani Abdi Cali oo ah labada ruux ee dambiga qirtay ayaa la sheegay inay wajihi doonaan xabsi daa'in, balse heshiiska qirashada dambiga ayaa waxaa qayb ka ah in muddo kaddib loo dhoofiyo dalka Soomaaliya.
Saddex ruux oo ka mid ah dadkan la haysto ayaa horay u qirtay inay dambigaas galeen, waxaana dadka loo haysto falkaan ay ka kooban yihiin 14-ruux oo Soomaali ah iyo ruux Yemeni ah, sida ay qortay warbaahinta Mareykanka maanta oo Salaaso ah.
Doonida Quest oo ahayd middii lagu afduubay afarta ruux ayaa waxaa lahaa Jean iyo Scott Adam oo kasoo jeeda gobolka California ee dalka Mareykanka iyo laba saaxiibbadood ah oo kasoo jeeda gobolka Seattle laguna kala magacaabi jiray Bob Riggle and Phyllis Macay, waxaana la toogtay maalmo kaddib afduubkoodii.
Afartan ruux ayaa noqonaya dadkii ugu horreeyay oo Mareykan ah oo ay dileen burcad-badeedda Soomaalida ah. Iyadoo garsoorayaasha maxkamadda ay shanta qof dambiyada ka qirteen ay sheegeen in afduubka burcadbadeedda uu ahaa mid dhaqaale doon ah, balse aysan jirin sabab kale oo ay afarta qof ee Mareyanka ah u dileen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya