Talaado, May 24, 2011 (HOL) – Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud oo ka mid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay guddoomiyahiisa Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu mas'uul ka yahay khilaafka ka dhex-taagan hay'adaha DKMG ah.
Mudane Mowliid oo saakay u warramayay BBC-da isagoo ku sugan Nairobi ayaa sheegay in khilaafka u dhexeeya labada Shariif aan si dhab loo ogeyn, balse uu yahay khilaaf ay iyagu si dhab ah u ogyihiin, isagoo sheegay inuu ka xun yahay inay xallin waayaan khilaafkooda.
"Murannada toddobaadkii sano ee ugu dambeeyay ka dhex-taagnaa dowladihii dalka soo maray waxaa curad iyo yaraan u ah guddoomiyaha baarlamaanka, waayo wuxuu mas'uul ka ahaa inay burburto TFG," ayuu yiri Mowliid Macaani.
Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu sheegay in dowladdan ay tahay mid xal u baahan, isagoo xusay in baarlamaanka iyo labada shariif ay xal ku yimaadeen balse aysan jirin cid soo dooratay loona baahan yahay in khilaafkooda ay xal ku dhameeyaan.
Mar la weydiiyay su'aal ahayd in khilaafka la isku hayo uu yahay in doorashada la qabto sannadkan iyo in dib loo dhigo illaa sannadka dambe ayaa wuxuu ku jawaabay: "In muddo hal sano ah dib loo dhigo doorashada wax dhib ah uma arko haddii uusan jirin canaad, waayo baarlamaanka muddo saddex sano ah ayuu kororsaday xukuumadduna dhibaato uma aragto."
Xildhibaan Mowliid Macaani wuxuu sheegay in dastuurka dalka uusan ogoleyn in xilliga loo kordhiyo baarlamaanka, isagoo sheegay in dastuurka uu qabo in muddada baarlaamanka ay tahay shan sano markii uu xilligaas dhammaadana aan muddada loo kordhin karin.
Wuxuu ka dhigay mudane Mowliid Macaani in lagu dhaqmo oraahda aniga ayaa wax noqonaya adiguna waxba ma noqonaysid, taasoo uu sheegay inaysan ahayn mid suurogal ah.
Ugu dambeyn, xildhibaanku wuxuu ugu baaqay xubnaha kale ee baarlamaanka inay danta dalka iyo dadka ka shaqeeyaan, isagoo sheegay inaysan jirin cid soo dooratay, iyadoo taas la eegayana laga fogaado in shacabka dhibaato kale loo horseedo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya