Siminaar ay ka qaybgaleen 200 oo haween ah oo maanta lagu qabtay gudaha magaladda Muqdisho


Talaado, May 24, 2011 (HOL) – Siminaar ay soo qabanqaabisay Hay’adda Wadahadalka Bulshada (CCD) ayna ka qeybgaleen 200 haween ah oo ka kala socday qeybaha Ururada haweenka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo halku dhigiisu ahaa aanu jeclaano dalka si aan u dhisno.

Siminaarkan oo ay ka qeybgaleen Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka, Mas’uuliyiinta Ururka Haweenka Qaranka iyo Gudiga Haweenka ee Hey’adda CCD ayaa ahaa mid diirada lagu saarayay sidii loogu guntan lahaa, wadaniyad jaceylka, loogana gudbi lahaa bur burka iyo dhibaatada dalka ka jirta.

Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad oo furitaanka Siminaarka ka hadashay ayaa soo qaadatay sida loogu baahan yahay in la helo wadaniyad dhab ah, oo dalka dib loogu dhiso, iyadoo xustay in xaaladda dalka uu ku sugan yahay ay ahayd 20-kii sano mid marba marxalad galeysay.

Mar ay soo hadal qaaday dhalinyarada lagu qalday hurinta dagaalada ayaa sheegtay inay loo adeegsaday bur burinta dalkooda iyo inay dhibaato abuuraan, waxayna xustay in caruurtaas ay adeegsadeen kuwo fikradoqaldan kasoo safriyay caalamka.

“Maanta waxaanu joognaa in ilmaheeni fikrad qaldan lagu shubay, loona adegsaday dagaalada, kuwii fikradahaas soo dhiibay, maanta waa aragtaa, Usaama ayuu ahaa kuwo ciyaalkeena fikirkiisa ku shaqeysiiyay ee qaraxa iyo bur burka inoo horseeday, manta taas waa dhamaatay, dalkeena inaan dhisno ayaan dooneynaa”ayay tiri Xildhibaanad Xaawo C/llaahi Qayaad.


Xildhibaanada oo soo hadal qaaday dagaalada dalka ka jira ayay waxay sheegtay in ciidamada dowladda ay soo hoyeen guulo la taaban karo, isla markaana ay horseedeen in goobo badan gacanta lagu dhigo.

Sidoo kale waxaa siminaarka hadalo ka jeediyay Xildhibaanad Caasha C/llaahi Ciise oo ugu horeyn taabatay sida qofka wadaniga uu u abuuri karo jawi ku haboon in dadka iyo dalka lagu dhiso, isla markaana uu eego dalka danihiisa.

“Qofka wadaniga ah wuxuu sababi karaa in dalka uu u abuuro dib u dhis, horumar, waana inuu eegaa danta dalka, maanta wiilasha la qalday kuwo marin habaabiyay ma ahan wadaniyiin, kuwo dan shisheeye u shaqeeya weeyaan”ayay tiri Xildhibaan Caasho.

Waxaa kaloo Xildhibaanada ay tilmaamtay in dagaalada hada ka jira dalka ay keeneen in dhalinyaro badan la qalday, isla markaana waxaa ay sheegtay in ciidamada dowladda ay guulo soo hoyeen, iyadoo carabka ku dhajisay inay jiraan dhalinyaro soo goostay oo u baahan daryeel.

 “Dhalinyarada maanta la qalday ee lee adeegsaday dagaalada, kuwa soo goostay waxay u baahan yihiin wacyi gelin, tababaro, waxaan ka codsanayaa Hey’adda CCD inay tababaro u furto, xarumo lagu dhaqan celinaya u sameyso”ayay tiri Xildhibaanada oo baaqaas u gudbisay Madaxda Hey’adda CCD.

Sidoo kale waxaa siminaarka ka hadashay Canab Xasan Cilmi Ku simaha Ururka Haweenka qaranka Soomaaliyed, iyadoo ku bogaadisay Hey’adda CCD dadaalka ay ku bixiso bulshada iyo sidii ay u garab taagnaan laheyd.

Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay in 20-kii sano ay dalka ku hareen dad dhibaatada soo marayay la noolaa, waxaana ay xustay in qaarna ay dalka dibadiisa u carareen, waxaana ay sheegtay in loo baahan yahay in dadka dibada wax ku soo bartay in dalkooda ka shaqeeyaan dib u dhiskooda, waxaana ay intaa ku dartay in dadka qurba-joopga aana qori heysan, balse ay qalin wax ku qoraan.

Waxaa ay hambalyo u dirtay Ciidamada dowladda oo ay sheegtay in dagaalada ay guulo ka gaareen, waxaana ay ugu baaqday Haweenka inay caanaha iyo biyaha ka daba-qaadaan dhaawacyada ay daryeelaan.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadashay Ruqiyo Cali Cabdulle ayaa cadeysay in loo baahan yahay in dalka loo helo isu tanaasul, si looga shaqeeyo dib u dhiskiisa, waxaana ay tibaaxday in loo baahan yahay midnimo iyo wadaniyad in lala yimaado.


Waxaa kaloo siminaarka hadalo guubaabo ka jeedisay Cadar Cali Maxamed oo sheegtay in loo baahan yahay ay ka shaqeeyaan sidii dalka dib u dhis lagu sameyn lahaa, isla markaana ay taageeraan Ciidamada xooga dalka, iyadoo tix buraanbur ah ka jeedisay oo ay ku cabireysay guulihii ciidamada dowladda ka soo hoyeen dagaalkii ka dhacay hareeraha suuqa bakaaraha.

Faadumo Aadan Cosoble oo ah Xoghayaha Guud Ururka Haweenka Qaranka ayaa sheegtay in haweenka looga baahan yahay inay gacan ka geystaan sidii looga hortagi lahaa fikradaha qaldan, iyadoo cadeysay in hadii Usaama uu dhintay ay joogaan ukumihiisa, isla markaana sidii loo jejebin lahaa ukumahaas uu ka tagay

Waxaa ay ugu baaqday haweenka inay u diyaar garoobaan sidii dalka loo difaaci lahaa, isla markaana ciidamada qalabka sida ay gacan ku siiyo in la sugo ammaanka, waxaana ay intaa raacisay in guulaha ay soo hoyeen ciidamada ay yihiin kuwo ay soo dhoweynayaan.

Ugu dambeyntii   haweenka ka qeyb galay siminaaraka  ayaa waxa ay   isku weydaarsadeen fikrado iyo ra’yi ku aadanaa sidii dalka dib loogu dhisi lahaa, isla markaana  laogu hortagi lahaa kuwa bur burinaya, iyagoo soo jeediyay in wadaniyad iyo midnimo lala yimaado.