Diyaarado la sheegay inay waddeen lacago doollar oo maanta lagu qabtay gaaroonka diyaaradaha Muqdisho

Talaado, May 24, 2011 (HOL) – Garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay subaxnimadii hore ee saakay laba diyaarado oo la sheegay inay waddeen lacago doollar ah oo gaaraysa 3.6-milyan ayna la socdeen lix qof oo cadaan ah kuwaasoo saddex ka mid ah ay wataan baasaboorka Ingiriiska, mid wata baasaboorka Mareykanka iyo laba wata baasaboorka dalka Kenya, iyadoo xukuumaddu KMG ah ee Soomaaliya ay sheegtay in baaritaanno lagu wado raggaas iyo lacagta ay wadeen.

Wasiira arrimaha gudaha ee Soomaaliya C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay diyaaradaha lacagta waday ee la qabtay, wuxuuna intaas ku daray in baaritaanno lagu wado ragga la qabtay iyo lacagta ay wadeen markii ay baaritaannadu dhammaadaanna saxaafadda loosoo bandhigi doono wixii kasoo baxa.

"Diyaaradahan waxay ogolaasho weydiisteen madaxda garoonka, waxayna bilaabeen inay xamuul isku wareejiyaan dhowr jeer oo hore ayayna sidan oo kale sameeyeen, balse daba-gal hore oo lagu hayay ayaa sababay in maanta la qabto," ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliya.

Wararka kala duwan ayaa kasoo baxaya lacagta ay diyaaradahan wadeen, iyadoo qaarkood ay sheegayaan inay ahaayeen lacago madaxfurasho ah oo loo waday kooxo burcadbdeed ah ayna mid ka mid ah diyaaraduhu u socotay magaalada Gaalkacyo.

Saxaafadda ayaa loo diiday inay tagaan goobta diyaaradda lagu hayo iyo lixda qof ee la socday oo ay ku jiraan duuliyeyaashii diyaaradda, iyadoo sidoo kale aan la ogeyn halka ay diyaaradahan ka yimaadeen.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa aad uga gaabsaday inuu ka hadlo wararka ku saabsan diyaaradaha, isagoo xusay in 6:00-dii aroornimo ee saakay la qabtay lacagtii ay wadayna lagu wareejiyay bankiga dhexe halkaasoo ay ku jiri doonto inta uu baaritaanku socdo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya