Talaado, May 24, 2011 (HOL) – Dagaallo kale oo u dhexeeyay ciidamada DKMG oo gacan ka helaya AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaab ayaa saakay mar kale ka qarxay jidka wadnaha, iyadoo dhinacyadu ay isku adeegsanayaan hub kala duwan inkastoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay.
Goobjoogayaal weli ku sugan gudaha suuqa bakaaraha ayaa HOL u sheegay inaysan jirin goob ganacsi oo furan, dagaalka hadda socda uu hakad ku keenay qaar ka mid ah ganacsatada suuq oo doonayay inay alaabadooda kala baxaan suuqaas oo noqday goob dagaal.
"Dagaalku wuxuu ka socdaa jidka wadnaha oo ay difaacyo ka sameystay AMISOM, halka ay xoogagga Xarrakatul Shabaab doonayaan inay goobahaas dib u qabsadaan," ayuu yiri goobjooge magaciisa ka gaabsaday oo suuqa ku sugan.
Saraakiisha dhinacyada dagaalamaya ayaan ka hadlin dagaalka saakay qarxay, iyadoo xoogagga Xarrakada Al-shabaab ay weerarro isku badalay dagaal xooggan xalay ku qaadeen saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada AMISOM oo ay ka mid tahay wasaaraddii hore ee gaashaandhigga.
Ma jirto cid sheegi karta khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, iyadoo dhinacyaduna aysan weli ka hadlin dagaalkii xalay dhexmaray, waxaana madaafiic culus oo barbar socday dagaalkaas ay ku dhaceen degmooyin kala duwan oo Muqdisho ku yaalla.
Dagaallada ka socda Muqdisho oo billowday Axaddii ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 30-qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalamay, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 100 qof oo shacab u badan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya