Sabti, May 14, 2011 (HOL) – Mid kamid ah maraakiibta dagaalka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa maanta barqanimadii xeebta Hobyo meel u dhow keenay maydadka rag burcad badeed Soomaaliyeed ah oo la sheegay in lag dilay dagaal ay la galeen maraakiibta NATO.
"Waxaa maydadka burcad badeedda la keenay halka lagu magacaabo Labad oo u dhaxaysa Hobyo iyo Garacad "ayuu yiri Wariye ku sugan Hobyo oo aan khadka taleefanka kula hadlay maanta barqadii,isagoo xusay in arintaa maanta degmada laga hadal hayo.
Ku simaha gudoomiyaha degmada Hobyo ee maamulka Ximan iyo Xeeb Xaaji C/laahi Axmed Barre oo HOL la hadlay ayaa sheegay in maydadka burcad badeedda maanta lagu aasay gudaha degmadaasi,isagoo intaa ku daray in ay aad uga xunyihiin arinta dhacday.
Masuulkan ayaa sheegay in tirada rasmiga ah ee burcad badeedda uusan xaqiijin karin ,balse ay suurtagal tahay in ay ka badanyihiin toboneeyo ,kuwaasi oo isugu jira qaar ku dhaawacmay iyo kuwa ku dhintay dagaalkii labada dhinac dhax maray oo la sheegay in uu ahaa mid saacado badan socday
"Aad ayaan u canbaaranaynaa falalka noocaan oo kale ah oo aan u aragno kuwa lagu xasuuqayo umadda Soomaaliyeed ,waxa ahayd inta la soo qabto in lagu wareejiyo maamulka markaa u dhow"ayuu hadalkiisa ku daray Xaaji C/laahi oo dignin adag u jeediyay maraakibta ku sugan xeebaha Soomaliya.
Burcad badeedan ayaa la sheegay in markoodi hore ay ka anbabaxeen xeebta Garacad ee gobolka Mudug si ay u soo qafaashaan maraakiibta gooshaysa xeebaha Soomaaliya oo inta badan ay ka qaataan lacago madax furasho ah oo marka danbe ay ku sii daayaan.
Ugu danbayntii maraakiibta ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa la aaminsanyahay in dagaalka ay kula jiraan burcad badeedda ka sokow ay dhibaato badan ku hayaan biyaha Soomaaliyeed,waxaana howlgalka NATO sanad kasta ku baxa lacago aad u badan.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso,Soomaaliya