Sabti, May 14, 2011 (HOL) – Xoogaga Xarakada Raaskaambooni ayaa goor-dhawayd si nabagelyo ah kula wareegay deegaaanka Kulbiyow ee koonfur galbeed Gobolka Jubbada hose oo ay hore ugu sugnaayeen xoogaga Xarakada Alshabaab.
Wararka aynu ka heleyno deegaanka Kulbiyow ayaa sheegaya in ay xalay isaga baxeen xoogagii xarakada Alshabaab ee ku sugnaa deegaankaasi, waxaana lagu soo waramayaa in ay saaka si nabadgelyo ay ula wareegeen deegaankaasi Xarakada Raaskaambooni, mana jiraan wax dagaalla ah oo halkaasi ka dhacay.
Deegaanka Kulbiyow, Degmada Badhaadhe iyo deegaano kale oo ku dhow dhow ayaa lagu soo warmayaa in ay ka taagantahay xiisad colaadeed waxaana laga cabsi qabaa in ay halkaasi dagaallo ku dhex maraan xoogaga Xarakada Alshabaab iyo kuwa Raaskaambooni.
Xarakada Alshabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay ku sugantahay meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka KUlbiyow, waxaana jiro gurmadyo uga imanaya degmooyinka iyo deegaanada ay ku suganyihiin ee gobolka J/hoose, kuwaa oo ay ku doonayaan in ay markale gacantooda ku soo celiyaan deegaanka Kulbiyow ee gobolka J/hoose.
Gobollada Jubooyinka ayaa mudooyinka danbe waxa ka jiro dhaqdhaqyo ciidan oo ay wadaan ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Xarakada Raaskaambooni kaa oo ay ku doonayaan in ay xarakada Alshabaab kaga saaraan gobollada Jubooyinka.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya