Iskahorimaad khasaare kala duwan geystay oo shalay iyo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo

Cabirka Farta

Sabti, May 14, 2011 (HOL) Iskahorimaadyo sababay dhimashada toddoba qof oo afar ka mid ah ay ahaayeen shacab ayaa shalay iyo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya, waxaana dagaalladaas ay sababeen dhaawacyo intaas ka badan.

Dagaalladan ayaa waxay u dhexeeyeen ciidamada DKMG ah, Ahlusunna Waljamaaca iyo xoogagga Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab, iyadoo dagaal shalay gallinkii dambe ku dhexmarya xoogagga Ahlsunna iyo Al-shabaab deegaanka Kalabeyr oo u dhexeeya Garbahaayre iyo Buurdhuubo uu sababay dhimashada shan qof kuwaasoo saddex ka mid ah ahaayeen dhinacyadii dagaalamay.

Sidoo kale, dagaal daba-socday midkaas ayaa xalay ka dhacay deegaan 4-km bari kaga beegan degmada Luuq ku dhexmaray ciidamada DKMG iyo Xarrakatul Shabaab, iyadoo la xaqiijiyay dhimashada laba qof oo shacab ah, balse lama oga khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee uu dagaalku u dhexmaray.

Weerarradan ayaa ahaa kuwo ay qaadday Xarrakatul Shabaab oo dagaallo ay horay ula gashay dhinacyadan looga qabsaday afar degmo oo ka tirsan gobolkaGedo kuwaasoo kala ah: Garbahaarey, Luuq, Baladxaawo iyo Ceelwaaq, waxaana dhowr jeer ay Xarrakadu weerarro ku qaaday degmooyinkaas.

Afhayeenka Xarrakatul Shabaab ee dhinaca howlgalada Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa horay u sheegay inay dagaallada gaadmada ah wadayaan inta ay ka saarayaan gobolkaas ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca.

Ma jirto dhinac ka mid ah dhinacyadan oo ka hadlay dagaalladaas iyo khasaaraha kasoo gaartay, waxayna iskahorimaadyadan ay qayb ka yihiin weerarro ay ku doonayso Xarrakatul Shabaab inay dib ugu qabsato degmooyinkii laga qabsaday, halka ciidamada DKMG ah iyo kuwa Ahlusunna ay difaacayaan degmooyinkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News