Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo dil u geystay laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa ganacsade

Cabirka Farta

Sabti, May 14, 2011 (HOL) Ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta ku dilay xaafadda tabakaayo madow ee degmada Dharkeynley laba qof, kuwaasoo la sheegay in mid ka mid ah uu ahaa ganacsadaha dukaan laga dirsado taleefoonnada oo uu dilku ka dhacay.

Ganacsadaha la dilay iyo askarta dishay ayaa la sheegay inuu dhexmaray muran ku saabsan lacag canshuur ah oo maamulka degmadaas uu ka qaado maalin walba xarumaha ganacsi ee ku yaalla degmadaas.

"Askariga iyo ganacsadaha dukaanka lahaa waxaa dhex-maray muran, dabadeedna dhowr xabadood ayay ku dhufteen," sidaa waxaa saxaafadda u sheegay goobjooge argagax uu ka muuqday, isagoo intaas ku daray: "Qof kale oo dukaanka ku sugnaa ayaa lala dilay."

Maydadka labada qof ee la dialy ayaa waxaa dukaankii lagu dilay ka saaray ciidan kale oo goobtaas gaaray, iyadoo askartii dilka geystay ay isaga tageen halkaas, waana falkii ugu horeeyay noociisa oo todobaadyadan ka dhaca degmada Dharkeynley oo ka mdi ah degmooyinka ay ka taliso dowladda Soomaaliya.

Dhanka kale, maydadka laba qof oo shacab ah mid ka mid ahna uu labada gacmood ka xirnaa ayaa saakay lagu arkay xaafado ka tirsan degmadaas, kuwaasoo la xusay in ciidamada dowladda KMG ah ay u dileen tuhumo la xiriira inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Ma jiro mas'uul ka tirsan degmada Dharkeynley oo dilalka afarta ee degmadaas ka dhacay 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka hadlay, waxaana dilalkan ay imaanayaan xilli dhawaan ay ka dhaceen degmadaas laba qarax oo lagu dili lahaa guddoomiyaha degmadaas.

Maxamed Xaaji Xuseen Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News