Sabti, May 14, 2011 (HOL) – Dowladda Jabuuti ayaa laba guuto oo ciidamo ah u diraysa daka Soomaaliya, si ay uga qaybqaataan howlgalka nabad ilaalinta ee ay Midowga Afrika kawadaan Muqdisho, sida uu sheegay warsiirka arrimaah dibadda ee dalkaas Maxamuud Cali Yuusuf.
Wasiirka oo warramayay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in ciidamadan ay horay u ballanqaadeen inay u dirayaan Soomaaliya, ayna ka go'an tahay inay ciidamadaas u diraan Soomaalia, si ay uga qaybgalaan howlaha nabad ilaalinta ee AMISOM.
"Horay ayaan u ballanqaadnay inaan ciidammo u dirno Soomaaliya, waxaana hadda dhameystirnay tababarka ciidamadaas iyo qalabeyntooda, bishan dhamaadkeeda ama bisha soo socota horraanteedana waxay gaarayaan Muqdisho," ayuu yiri Mr. Yuusuf oo mar kale loo magacaabay xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti.
Dowladda Jabuuti ayaa taageersan dowadda KMG ah ee Soomaalia oo lagu soo dhisay dalkooda, iyadoo wasiirku uu xusay in hadalkiisan uusan la mid ahayn kuwii ay horay loo sheegay oo ay ka go'an tahay inay ciidamo u diraan Soomaaliya.
Mar la weydiiyay cabsida ay ka qabaan in Xarrakatul Shabaab ay beegsato dalkooda maadaama ay sannadkii hore qaraxyo khasaare badan geystay ay dalka Uganda oo qayb ka ah howlgalka AMISOM ay ka geysteen ayaa ku jawaabay:
"Haddii aan ka baaqsano inaan ciidamo dirno iyo haddii aan dirno kooxdaas ma filayo inay naga joogsanayaan, waayo waxaan ogaannay markii ay Hargeysa qarxiyeen in aysan jirin meel ay dhaafayaan, waxaana qabnaa inay waajib tahay lala diriro," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda ee Jabuuti.
Sidoo kale, wuxuu ka hadlay khilaafka u dhexeeya madaxda DKMG ah isagoo xusay in iyagu ay qabaan in xilligan aan la qaban doorasho, isla markaana laga shaqeeyo sidii lagu nabadeyn lahaa Soomaaliya, isagoo xusay inay fikirkaas dunida oo dhan u gudbiyeen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya