Sabti, May 14, 2011 (HOL) – Dagaallo galay maalintii afaraad ayaa Muqdisho ku dhexmaraya ciidamada DKMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin, waxaana dagaalladaas ay saameyn ku yeesheen ganacsiga suuqa weyn ee Bakaaraha.
Iskahorimaadyada ayaa ka dhacay jidka sodonka gaar ahaan agagaarka warshaddii hore ee caanaha, isbitaalka xooggan iyo weliba tarabuunka, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen dagaalladan.
Dagaalka maanta ayaa daba socda dagaallo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay dhinacyadan ku dhexmarayay Muqdisho, kuwaasoo ay ku dhinteen 15-qof oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamay oo ay ka mid yihiin askar u dhashay dalka Uganda oo ka tirsan AMISOM.
Xarrakada Al-shabaab ayaa saakay dagaallada billowday, inkastoo maalmihii ka horreeyay uu dagaalku ahaa mid ay weerarkiisa lahaayeen ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya ciidamada Midowga Afrika ka socda ee AMISOM.
Ciidamada dowladda KMG ah ayaa la sheegay inay saakay xireen jid yar oo loo mari jiray suuqa Bakaaraha oo dhexmara degmada Howlwadaag, iyadoo dadweynihii loo diiday inay saakay jidkaas maraanna ay qaarkood sheegeen in ciidamadu ay amar ku siiyeen inay ka laabtaan jidkaas oo ay sheegeen inay dagaallo ka socdaan.
Dagaal shalay ka dhacay Muqdisho, ayaa sababay inay dhintaan afar qof oo rayid ah, kuwaasoo madaafiic iyo rasaastii dagaalka ay ugu tageen suuqa weyn ee Bakaaraha, waxaana sidoo kale madfac ku dhacay suuqaas uu gubay laba bakhaar oo uu dhar ku jiray.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya