Sabti, May 14, 2011 (HOL) – Saraakiisha ka socotay Midowga Yurub ee soo gaaray Puntland ayaa kala ahaa Mr. Douglas McLure oo ka tirsan madaxda Midowga Yurub ee la socodka dastuurka dowladda KMG ah iyo Mr. Phillip Cooper oo ah ku xigeenka barnaamijyada UNDP ee Soomaaliya.
"Waxa ay gobolka u yimaadeen in ay ogaadaan qorshaha Puntland ee la xiriira dastuurka iminka howshiisu ay socoto iyo sidii marka la dhameeyo loogu faafin lahaa gobollada maamulka "ayuu yiri wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka Cabdi Xasan Jimcaale oo warbahinta la hadlay.
Kulan ay wada qaateen masuuliyiintii soo gaartay gobolka iyo madaxda maamulka ayaa la sheegay in looga wada hadlay sidii meesha looga saari lahaa khilaafaayada hadda jira ee arimaha dastuurka ku salaysan. Wasiirka ayaa sheegay in maamulka arintaasi uusan aqbalin ,isla markaana Puntland aysan iminka qayb ka ahayn arimaha dastuurka loona baahanyahay sidii maamulada dalka ka jira looga qayb galin lahaa arimaha socda.
"Maamulka kuma qanacsana hadda sida wax u socdaan ,balse waxaan doonaynaa in la is waafajiyo dastuurkeena iyo kan cusub ee Soomaalida loo samaynayo "ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka,isagoo canbaarayn adag u jeediyay xubaha gacanta ku haya dastuurka.
Mr. Phillip Cooper oo ah ku xigeenka barnaamijyada ee UNDP Somaliya oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in guddiga dastuurka looga baahanyahay in uusan hal dhinac ka koobnaan ,isagoo Soomaalida ugu baaqay in ay meesha ka saaran mugdiga ku dhex jira.
Maamulka Puntland ayaa ay ka go,antahay in aysan ka qayb galin arimaha dastuurka hadii aan la fulin codsiyada ay soo jeediyeen sida uu sheegay wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka ,xilli howlaha dastuurka ay meel wanaagsan marayaan
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliy
Puntland oo dhaliishay guddiga dastuurka Soomaaliya iyo xubno Midowga Yurub ka socda oo Garowe soo gaaray
Cabirka Farta
More News
- Shir looga hadlay Nabadda, Cadaaladda iyo Horumarka Soomaaliya oo Stockholm lagu qabtay (SAWIRRO)
- Culummaa'uddiinka Ahlusunna Waljamaaca oo maanta heshiis hordhac ah ku kala saxiixday Addis Ababa
- Maydadka rag burcad badeed ah oo laga soo dajiyay Hobyo iyo maamulka Ximin iyo Xeeb oo canbaareeyay maraakiibta NATO
- Xarrakada Al-shabaab oo ka hadashay dib u doorashadii Yoweri Museveni fariinna u dirtay shacabka Uganda
- Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya oo sheegay in Al- Shabaab ay qorsheynayso qaraxyo ay ka geysato Muqdisho
- Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo dil u geystay laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa ganacsade
- Xoogaga kooxda Raaskaambooni oo si Nabadgalya ah kula Wareegay Deegaanka Kulbiyow ee Gobbalka Jubbada Hoose
- Wadooyinka Isku Xiran Jubooyinka oo ay Gooyeen Roobab
- Kenya oo lagu eedeeyay inay dib u celiso qaxootiga Somalida
- Dagaallo Muqdisho ku dhexmaraya ciidamada DKMG ah, kuwa AMISOM iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin
- Xukuumadda Jabuuti oo sheegtay inay ciidamo nabad ilaalinta ah u dirayso Soomaaliya bishan dhammaadkeeda
- Iskahorimaad khasaare kala duwan geystay oo shalay iyo xalay ka dhacay degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo
- Garabka dhallinyarada Xisbiga Nabadda iyo Hurumarka oo ku qabtay Muqdisho dood ku saabsan doorka dhallinyarada ee Nabadda
- Xiisad colaadeed oo laga dareemayo deegaanno ku yaalla dhinaca koonfureed ee Gobolka Mudug
- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo ka hadaly doorasho dalka ka dhacda iyo maamul goboleedyada soo badanaya
- Maamulka Dooxada Shabeelle iyo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo ku dagaalamay duleedka degmada Baladweyne