Sabti, May 14, 2011 (HOL) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee Xarrakatul Shabaab maanta oo Sabti ah ayaa lagu sheegay in dib u doorashada iyo caleemo saarka Yoweri Museveni markii afaraad ay caddeyn u tahay in shacabka dalkaas ay raalli ka yihiin dhibaatooyinka iyo dambiyada ay ciidamadoodu maalin walba ka geysanayaan Soomaaliya.
"Hoggaamiyaha Uganda oo keliya ma ahan midka dhibaatooyinka ka socda Somalia raaliga ka ah, balse shacabka dalkaas ayaa iyaguna la qaba in dadka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan la dilo," ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan.
Sidoo kale, warkan ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Uganda uu inta badan ka qariyo shacabka dalkiisa dhibaatooyinka dilalka ciidamadooda loogu geysanayo Soomaaliya, waxaana jidadka Muqdisho lagu sharaxay dhigga askarta Uganda oo ugu dambeeyay sarkaal lagu dilay maalin ka hor dagaal ka dhacay Muqdisho.
"Ciidamada Uganda waxay dagaallo ka wadaan Muqdisho, tiro ka mid ah ciidankaas waxaa lagu dilay dagaallada socda wayna sii kordhaysaa tiradooda, waxaana ka mid ah askartaas la dilay Drich Alfred oo ka mid ah ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan," ayay Xarrakatul Shabaab ku tiri warsaxaafadeedkeeda.
"Askarigaas weli gacanteenna ayuu ku jiraa, wuxuuna ka mid yahay askarta uu u soo dirtay Museveni halkan (Somalia)," ayaa la raaciyay.
Drich Alfred, ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa koox uu hoggaaminayay Lt Richard Ogola, uuna sidoo kale ka mid ahaa ciidamada Uganda ee dagaallada kawada Muqdisho. Isaga iyo taliyihiisu ay si gaar ah mas'uulka uga ahaayeen barakaca tobanaan kun oo qof iyo dhimashada kumanaan kale oo shacab ah isuguna jiray: rag, haween iyo caruur, sidoo kalena ay mas'uul ka ahaayeen weerarro lagu qaado goobaha ay shacabku ku sugan yihiin.
Warbixin ku socota shacabka Uganda
Sidoo kale, warsaxaafadeedka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa waxaa qayb ka ahaa warbixin si gaar ah ugu socday shacabka Uganda, taasoo lagu bilaabay:
"Caruurtiinna (Askarta Uganda) waxay si joogto u geystaan dambiyo ka dhan ah shacabkeenna Muqdsiho. In ka badan 300 madfac ayay maalin walba ku garaacaan goobaha ay shacabku ku sugan yihiin, sida: suuqyada iyo isbitaallada. Iyagoo ku badalaya mushaar yar oo ugu filan inay raashin ku iibsadaan, caruurtiinu waxay ku shaqeeyaan qaab calooshood u shaqeystenimo ah - waxayna ku jiraan dagaal aan dhamaad lahayn iyagoo u adeegaya reer galbeedka - waxayna si raqiis ah naftooda ugu luminayaan Muqdisho."
Sidoo kale, waxay xarrkaatul Shabaab warsaxaafadeedka ku sheegtay in dhiigga shacabka aan waxba galabsan ee Soomaaliyeed ee haweenka iyo caruurta isugu jira oo ay maalin walba Muqdisho ku daadinayaan ciidamada Uganda aysan ahyn kuwo si fudud lagu hilmaami doono, balse dhiigaas loogu xisaatamayo dhibic-dhibic; weerar walba oo ay caruurtiinu geysataanna laga aargudi doono.
Ugu dambeyn, Shacbka Uganda ayay Xarrakatul Shabaab kala-dooran-siisay inay ku qasbaan hoggaamiyadooda inuu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya ama ay la kulmi doonaan dhibaato daran.
Maxamed Xaaji Xuseen Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya