Sabti, May 14, 2011 (HOL) – Wararka saakay ka soo baxay deegaannada Bacaad-weyne iyo Camaara oo ka tirsan goballka Mudug ayaa sheegaya in wali halkaa ka taagan yihiin xiisado colaadeed oo u dhaxeeya beello dhawaan ku dagaallamay deegaannadaas.
Wararka ayaa sheegaya in la arko dhaq dhaqaaqyo iyo gurmadyo ciidan oo ay wadaan Maleeshiyaadka labada beelood, waxaana jirta cabsi dadka reer Miyiga ah ka qabaan dagaal mar kale ka dul dhaca.
Labadan Maleeshiyo beeleed oo khilaafkoodu yahay mid salka ku haya muran ka dhashay Dhul daaqsi ah iyo Ceel-biyood leysku qabtay, ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa dhaxmaray dagaal geystay khasaare isugu jira dhamasho iyo dhaawac.
Marka laga soo tago xiisada colaadeed iyo gurmadka ka jira deegaannada Camaara iyo Bacaadweyne ilaa hadda ma'jirto cid si gaar ah isugu howshay daminta colaada labada beelood, oo marka dhinaca laga eego u muuqata mid mudo soo jiitameysay.
Dhawaan ayeey aheyd markii guddiyo ka kala socda maamulada Galmugu iyo Ximin iyo Xeeb degmada Galin-soor ee goballka Galgaduud u fariisteen wada hadallo la doonayay in lagu xaliyo khilaafka labada beelood, laakiin marka la eego sida ay hadda wax u socdaan waxaad moodaa in wada hadaladaasi noqdeen kuwo aan mari dhalin.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya