Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliya oo sheegay in Al- Shabaab ay qorsheynayso qaraxyo ay ka geysato Muqdisho

Cabirka Farta

Sabti, May 14, 2011 (HOL) Taliska ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday inay heleen warar sheegaya in Xarrakatul Shabaab ay doonayso inay qaraxyo ka geysato degmooyinka ay dowladdu ka taliso ee ku yaalla gobolka Banaadir.

Afhayeenka booliiska G/sare C/llaahi Xasan Bariise oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in wararka ay hayaan ay sheegayaan in la doonayo in qaraxyadan la doonayo in lala beegsado goobaha ay dadku ku badan yihiin sida: goobaha waxbarashada, hoteellada iyo suuqyada.

"Waxaan haynaa warar sheegaya in Xarrakatul Shabaab ay qaraxyo ay doonayso inay ugu aargudo hoggaamiyihii Al-Qaacida Usaama Bin Laden oo lagu dilay dalka Bakistaan ay ka fuliso Muqdisho," ayuu yiri G/sare Bariise.

"Qaraxyadan waxaan fulintooda loo diyaariyay toddoba ruux oo loo tababaray kuwaasoo isugu jira Soomaali iyo ajnabi," ayuu hadalkiisa raaciyay isagoo digniin gaar ah u diray milkiilayaasha hoteellada, wuxuuna ugu baaqay inay xil iska saaran dhowrista ammaanka mas'uuliyiinta deggen hoteelladooda.

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Xarrakatul Shabaab ay dhawaan shir ku qabteen magaalada Afgooye, kaasoo ay ku sheegeen inay sii socon doonaan dagaallada ay ka wadaan Soomaaliya, ayna u aargudi doonaan hoggaamiyihii Al-Qaacida oo ay xuseen inuu gacan mug leh ku lahaa dagaallada ka socda Soomaaliya.

Taliska booliiska ayaa dhowr jeer oo hore u soo saaray digniino noocan oo kale ah, balse ma jirin wax qaraxyo oo dhacay, iyadoo Xarrakatul Shabaab aysan ka hadlin digniinta kasoo baxday DKMG ah ee ku saabsan inay abaabulayso qaraxyo ay ka geysato degmooyinka ay dowladdu kaga sugan tahay gobolka Banaadir.

Maxamed Xaaji Xuseen Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News