Xisbiga UCID oo shaaciyay Murashaxiinta u tartamaya Guddoomiyenimada Xisbigaas

Axad, 27 March 2011 (HOL)- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa shaaciyay Murashaxiinta u taagan Guddoomiyenimada UCID ee xisbiga dhexdiisa, waxaany muddeeyeen wakhtiga ay qabanayaan Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbigaas.

 

Xoghayaha guud ee Xisbigaas Muuse X. Maxamed Guuleed (Inji) oo ka hadlaya arrimahan, ayaa sheegay in ay kulan ay yeesheen guddida Fulinta ee Xisbigaasi isla gaadheen qodobo kala duwan oo la xidhiidha hawlaha Xisbiga. “Guddigiisa fulinta ayaa shir lahaa oo ka hadlayey ajendayaal uu ka mid ahaa qabashadii shirka G/Dhexe iyo Shirweynahii oo hore u qorsheysnaa in u dhaco bisha August 2011, haseyeeshee ku soo begmay bil Ramadan ah. Sidaa daraadeedna la isla qaatay in bisha july 25-keeda la qabto shirkii Golaha dhexe waxa kale oo la isla qaatay in Guddiga fulintu cayintu maalinta shirweynaha la qaban doono,”ayuu Warsaxaafadeed ku yidhi Xoghayuhu.

 

Waxa kale oo uu Muuse-Inji sheegay in ay jiraan shaqsiyaad ka tirsan Xisbiga dhexdiisa u taagan murashaxnimada Guddoomiyenimada Xisbiga,”mar u arrintaa ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Xisbiga UCID waxa u leeyahay xeer qeexaya in cidkasta oo ka tirsan Xisbiga xaq ay u leedahay inuu u tartamo hogaaminta Xisbiga iyo Musharamnimada Jagada Madaxweynaha. Arrintaasna Xisbigu wuu isku waafaqsanyahay. iIaa imika Mudane  Cabdiraxman Maxamed Cabdilaahi iyo Mudane Adan Maxamed mire Waqaf ayaa cadeeyey inay musharaxiin u yihiin Gudoomiyanimada Xisbiga .Waxaana la filayaa in qaar kalena isa soo sharaxaan. Xisbiguna uma arko mushkilad oo waxa xaq u siiyey xeerka.”

 

Xisbiga UCID ayaa laba jeer ooh ore lagaga guulaystay Doorashada Madaxtinimada Somaliland, labada jeerna waxa Guddoomiye iyo Murashaxa madaxweyneba ahaa Guddoomiyaha hadda Eng. Faysal Cali Waraabe.

 

 Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

[email protected]

Hargeisa, Somaliland