Axad, Maarso 27, 2011 (HOL) – Maxkamadda danbiyada culus ee Puntland laanteeda gobolka Bari ayaa xukunno kala duwan ku ridday rag ku eedaysnaa in ay ka tirsanyihiin ururka Al-shabaab ee dowlada Soomaaliya dagaalka adag kula jira.
"Maxkmadda danbiyada culus waxaa la horkeenay afar eedaysane oo ka tirsanaa dagaalyahanada ururka Alshabaab oo Puntland lagu qabtay "ayuu yiri ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud ee Puntland Bashiir Cabdi oo Horseed la hadlay.
Waxaa kaloo masuulkan uu sheeegay in afarta ruux mid ka ah uu ka soo qaybgalay dagaalkii Puntland ay la gashay ciidamo uu horkacayay sheekh Maxamed Siciid Attam,kaasi oo ka dhacay sanadkii hore degmada Gal-gala ee gobolka Bari.
Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka waramay afarta ruux magacyadooda iyo xukunada lagu kala fuliyay:
1. Axmed Cabdirisaaq Maxamed 10-sano oo xarig ah
2. Ibraahim Maxamed Shire 10-sano oo xarig ah
3. Maxamed Siciid Cabdi salaan 10-sano oo xarig ah
4. Deeq Yaasiin Khaliif 15- Sano oo xirig ah oo lagu eedeyay inuu xiriir la leeyahay mas'uuliyiin Al-Shabaab.
"Daba gal dheer ka dib ayaa lagu xaqiijay in shaqsiyaadkan ay gobolka dhibaato ku wadeen, isla markaana ay ka qayb qaateen shirqoollo gobolka ka dhacay "ayuu hadalkiisa ku daray Bashiir Cabdi.
Sidoo kale xeer-ilaaliye ku xigeenka guud ee Puntland ayaa sheegay in dowlada ay ku guulaysatay fashilanta qaraxyo laga gaysan lahaa deegaanada Puntland,isagoo shacabka ugu baaqay in ay ka qayb qaataan ammaanka gobolka.
"Dhamaan eedaysanayaasha la xukumay racfaan waa ay ka qaadan karaan muddo 30 cisho gudaheed ah "ayaa sidoo kale uu sheegay.
Xukunkan ay fulisay maxkamada danbiyada culus laanteeda gobolka Bari ayaa noqonaya kii labaad oo la fuliso sanadkan gudahiisa ,waxaana jira dadka ku eedaysan Alshabaab oo siyaabo kala duwan ugu xiran xabsiyada Puntland.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya