Sheekadii laga dhex abuuray Fanaaniinta Ikraan Maxamed Caraale iyo Falis Cabdi Maxamuud oo beenowday

Abwaan Shiine C/llaahi Akhyaar Abwaan Siciid Abuu Bakar Ilka-jiir
Axad, March 27, 2011(HOL):Waxaa dib u sii degeysa mowjad laga dhex kiciyay Fanaaniin Soomaaliyeed oo ku kala nool dalka Ingiriiska iyo Dalka Kenya. Mowjaddan ayaa waxay kacday kaddib markii hees cusub oo ay dhawaan soo saartay Fanaanadda Falis Cabdi Maxamuud oo magaceedu yahay GARAADLAAY loo sameeyay sheeko aan jirin oo ah in heesta lagu naqdinayay fannaanadda Ikraan Caraale oo horay u qaadday hees lagu magacaabo GAARSIIYA.
 

Heesta GARAADLAAY ayaa waxaa laga bixiyay fasir ah in  ay jawaab u tahay Hees ay horay ugu luuqeysay Fanaanadda Ikraan Carraale oo lagu magacaabo GAARSIIYA, iyadoo warbaahinta qaarkeed ay baahisay in heestaas ay ka hadleyso jaceyl ay Ikraan u qaadday Abwaan Shiine C/llaahi Aqyaar oo ah Odayga Fanaanadda Falis Cabdi Maxamuud.

 

Haddaba warkan oo aad la isula dhexmaray ayaa waxaa ka hadlay oo soo gunaanaday Abwaan Siciid Abuu Bakar Ilka-jiir oo sameeyay Heesta Gaarsiiya iyo Abwaan Shiine C/llaahi Akhyaar oo la socda heesta ay qaadday xaaskiisa Falis, waxayna labaduba sheegeen in labada heesood aysan waxba iska khuseynin, isla markaana warbaahinta qaarkeed ay war aan jirin ka sameysay. Labada Abwaan waxay sheegeen in ay ixtiraam mudan yihiin labada gabdhood ee war xumada loo kala tebiyay.

Waa kuwan heesihii fasirka qaldan laga bixiyay iyo weliba wareysiyadii ay abwaannadu bixiyeen.

 

Dhegeyso Wareysiyo ay labada Abwaan bixiyeen 



Fanaanadda Falis Cabdi Maxamuud Fanaanadda Ikraan Maxamed Caraale


 DAAWO OO DHEGEYSO HEESTA GAARSIIYA IYO HEESTA GARAADLAAY


Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online

[email protected]