Axad, Maarso 27, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay kula kulmay Muqdisho guddiga madaxabannaan ee qoraalka dastuurka dalka, wuxuuna ka codsaday in muddada u harsan dowladda ay kusoo dhameystiraan dastuurka cusub.
Sheekh Shariif ayaa ku boorriyay xubnaha guddigan inaysan howshooda ku simin talo ururin oo keliya, balse looga baahan yahay inay maskaxdooda maalaan, ayna ka fikiraan dastuurka cusub inuusan noqon mid hay'adaha xukuumadda iska hor-keenaya.
"Waxyaabaha inaad diiradda saartaan la idin-kaga baahan yahay waxaa ka mid ah qaabka uu dastuurka cusub ee federaalka ah u shaqeynayo, awoodda uu siinayo dowladda dhexe iyo midda uu siinayo maamul goboleedyada dalkana," ayuu guddiga u sheegay madaxweyne Sheekh Shariif.
Madaxweyuhu, wuxuu sheegay inay jiraan sharci-yaqaanno badan oo diyaar u ah inay gacan ku siiyaan guddiga qoraalka dastuurka, maadaama waqti ku socdo haddii uu dhammaadana uusan hadal waxba tarayn.
"Dastuur Soomaaliya loo sameeyo waxaa ugu dambeeysay 1960-kii, waxaa la idinka doonayaa in dastuurkaan uu noqdo mid qeexaya awoodaha hay'adaha DKMG ah, maadaama Soomaaliya aysan horay sharciga federaalka ah ugu dhaqmin," ayuu Sheekh Shariif ku sheegay khudbad uu u jeediyay guddiga uu shalay la kulmay.
Guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka sameynta dalka ayaa ku mashquulsanaa tan iyo sannadkii hore sidii ay u dhameystiri lahaayeen dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya ay ku dhaqmayso, kaasoo la sheegay inuu u baahan yahay afti shacab oo uu ku hirgalo.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya