Meles Zenawi wuxuu sheegay in dalkiisa uu ka digtoon yahay inay soo gaaraan rabshadaha ka taagan dalka Yemen, wuxuuna xusay in haddii ay dhacdo dowladda Yemen ay suurogal tahay in dalkaas ay Al-Qaacida ka dhigto fariisin.
"Haddii mudaaharaadyada ka socda Yemen ay sababaan in dowladda iyo maamulku ay meesha ka baxaan, waxay taasi fursad u siinaysaa Al-Qaacida inay ka dhigato saldhigeeda Aasiya, ayna halkaas ka taageerto Al-shabaabta Soomaaliya," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Itoobiya.
Dalka Yemen ayaa waxaa ka socda mudaaharaadyo ay shacabka dalkaas kaga dalbanayaan madaxweyne Cali Cabdalla Saalax oo 32-sano xukunka hayay inuu xilka ka dago, waxaana rabshadihii ugu dambeeyay ee dhacay Sabtidii shalay lagu dilay saddex qof, boqolaal kalena waa lagu dhaawacay.
"Mudaaharaadyada Yemen haddii aan si dhaqso ah loo joojin, waa kuwo sababaya inuu dalkaas ku dhaco firaaq siyaasadeed, ayna ka Al-Qaacida ka faa'iideysato, taasina waxay khatar weyn ku tahay innaga (Itoobiya) iyo gobolka Bariga Afrika," ayuu Zenawi shirkiisa jaraa'id ku yiri.
Ra'iisul wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa uu digtooni ka qabo inay ka dilaacaan rabshado la mid ah kuwii ka dhacay dallaka waqooyiga Afrika iyo Bartiga dhexe, isagoo yiri: "Ma jiraan wax khatar ah oo noo muuqda."
Dalka Itoobiya ayaa sannadkii 2006 Soomaaliya u soo diray ciidamo fara badan si ay dowladdii madaxweyne C/llaahi Yuusuf ay uga difaacaan weerarro kaga imaanayay Maxkamadihii Islaamka oo ay ku mideysnaayeen mucaaradkii xilligaas, iyagoo isaga baxay Soomaaliya sannadkii 2009.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya