Dowladda Somalia oo xabsiga u taxaabtay Agaasimaha iyo madaxa wararka Idaacadda Shabelle ee Muqdisho

Axad, Maarso 27, 2011 (HOL) – Idaacadda Shabelle oo ka mid ah kuwa ka howlgala Muqdisho ayaa maanta oo Axad ah baahisay in agaasimaha idaacadda Cabdirashiid Cumar Qase iyo madaxa wararka Cabdi Maxamed Ismaaciil (Cabdi Cuud) ay ciidanka nabadsugidda DKMG ah xabsiga u taxaabeen, kaddib markii ay maanta tageen xarunta hay'adda oo looga yeeray.

Warka ku saabsan xariga wariyeyaasha oo maanta duhurkii laga sii daayay Radio Shabelle ayaa lagu sheegay in wasaaradda warfaafinta ay hay'adda nabadsugidda DKMG ah ka dalbatay inay baaris ku sameyso war 22-kii bishan ka baxay idaacadda oo ahaa in madaxweyne Sheekh Shariif ay u suurogeli wayday inuu booqdo fariisimo ay DKMG ah kala wareegtay Al-shabaab kaddib weerara rogaal-celis ah oo ay soo qaaddeen xoogagga Xarrakatul Shabaab.

"Agaasimaha iyo madaxa wararka Shabelle waxaa loo yeeray 24-kii bishan xarunta hay'adda nabadsugidda si wax laga weydiiyo warkaas, balse markii ay maanta tageen xarunta ayaa la xiray," sidaa waxaa lagu sheegay warka xarigga ku saabsan oo laga sii daayay idaacaddu duhurnimadii maanta.

Idaacadda madaxa-bannaan ee Shabelle ayaa ku howlgasha degmooyinka ay DKMG ah kaga sugan tahay Muqdiho, kaddib markii ay sannadkii hore ay kasoo guurtay xarunteedii hore oo ku taallay suuqa Bakaaraha oo ay Xarrakatul Shabaab ka taliso.

Ma jiro mas'uul ka tirsan DKMG ah oo ka hadlay xariga agaasimaha iyo madaxa wararka Shabelle, kuwaasoo gacanta ugu jira ciidamada dowladda Soomaaliya.

Idaacadda Shabelle ayaa warkeeda ku sheegtay in tan iyo markii uu warkaas ka baxay idaacadda ay hay'adda nabadsugidda DKMG ah dabo-gal ku haysay Radio Shabelle.

Dhinacyada isku haya Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore loogu baaqay inay u ogolaadaan saxafiyiinta inay si xor ah u tebiyaan wararkooda, iyadoo suxufiyiintana lagu boorriyay inay ilaaliyaan xorriyadda iyo anshaxa saxaafadda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya