"Aniga waxaan raacsanahay fikirkeyguna saaran yahay oo aan la jiraan go'aankii xildhibaannadu baarlamaanku gaareen, waxaana qabaa inuu sax yahay waana ku mahadsan yihiin xildhibaannada," ayuu yiri mudane Qanyare oo intaas ku daray inay dhici karto in muddadu ay keento kala fikir duwanaasho wadahadalkuna uu furan yahay.
Xildhibaan Qanyare ayaa hadalkiisa raaciyay in xubnaha doodda ka qaba muddo kororsiga baarlamaanku uu sameystay ay la xiriiraan guddoonka sare ee baarlamaanka si ay uga hadlaan.
"Ma qabo in madaxweynuhu uu saxan yahay, waxaana kula talin lahaa inuu sharciga raaco oo uusan ku noolaan malo, waayo waa hoggaanka dalka iyo madaxda Qaranka," ayuu yiri xildhibaan Qanyare oo u warramayay isagoo Nairobi ku sugan mid ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho.
Su'aal ahayd in Madaxweynuhu uu kala diri karo golaha baarlamaanka ayuu kaga jawaabay xildhibaan Qanyare: "Awood uma lahan inuu kala diro baarlamaanka, sidoo kalena ma awoodi karo inuu kordhiyo tiradooda ama dhimo."
Mudane Qanyare ayaa dhawaan wareysi uu siiyay VOA-da ku sheegay in loo baahan yahay inay afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo madaxweyne Sheekh Shariif oo uu khilaaf u dhexeyo ay dhowraan sharciga dalka u dagsan, iyadoo hadalkiisan uu u muuqdo mid si weyn uga duwan hadalkaas.
Xildhibaanka ayaa hadalkiisa kusoo beegay iyadoo dhawaan ay jireen muranno siyaasdeed oo u dhexeeya madaxda DKMG ah sida madaxweyne Sheekh Shariif iyo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya Soomaaliya kaasoo ku saabsan doorashada iyo muddo kororsiga ay xildhibaannada baarlamaanku sameysteen.
Dhanka kale, xildhibaan Maxamed Qanyare wuxuu dhaleeceyn u jeediyay shir lagu doonayo in lagu isugu keeno DKMG ah, Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna si loo dhexdhexaadiyo oo ay waddo Qarammada Midoobay, isagoo ku tilmaamay mid la doonayo in lacago lagu urursado.
Shirkan oo ay qaban qaabinayso UNPOS laguna wado inuu horraanta bisha soo socota ka dhaco magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayuu sidoo kale Qanyar ku tilmaamay mid u muuqda in lagu maja-xaabinayo Qarannimada Soomaaliya la isaga horkeenayo DKMG ah iyo maamullada taageersan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya