Axad, Maarso 27, 2011 (HOL) – Maxkamadda gobolka Banaadir ee DKMG ah ayaa maanat sii daysay guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir iyo duqii Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), kaddib markii ay sheegtay in lagu waayay dambigii loo heystay.
Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir Maxamed Dheere ayaa loo haystay dambi ahaa inuu qayb ka qaatay dilka dad shacab ah oo bishii Feberaayo ee sannadkan lagu dilay afaafka hore ee Fiyooraha, kuwaasoo ka qaybqaadanayay mudaaharaadyo uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir.
“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan xorriyadeydii dib u helo kaddib markii aan xirnaa muddo laba bilood ku dhow,” ayuu yiri Maxamed Dheere oo barqonimadii maanta ugu warramayay saxaafadda Muqdisho.
Maxamed Dheere ayaa xirnaa muddo 37-maalmood ah, iyadoo qareennada u doodaya ay ka dalbadeen Maxkamadda in magdhow ahaan loo siiyo lacag gaaraysa 10-milyan oo Dollar maadaama uu sharci-darro u xirnaa iyadoo aanu jirin dambi uu galay.
Xaashi Cilmi Nuur oo ah guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir oo isaguna la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in Maxamed Dheere lagu waayay dambigii loo haystay kaddib baaritaanno dheer oo la sameeyay, isla markaana uu si sharci-darro ah ugu jiray gacanta dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Dacwadda Maxamed Dheere oo ka dhacaysay xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo dadweyne fara badan oo isugu jiray ehelldiisa iyo taageerayaashiisa.
Weli waxaa xiran dhammaan afartii qof ee kale oo lala xiray, kuwaasoo iyagana loo haystay eed la mid ah midda loo haystay Maxamed Dheere oo ahayd inay gacan ku lahaayeen dilka afar qof oo shacab ah ka mid ahaa dad dhigayay mudaaharaad lagu taageeraya dowladda oo bishii hore ka dhacay Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya