Dagaalkan ayaa waxaa sababay lacago ay ciidamadii dagaalamay ka qaadaan boos-teejo laga raro gaadiidka ka baxaan gaadiidka dadweynaha oo ku taalla afar-irdoodka Xamarweyne, iyadoo dagaalka uu hakad geliyay muddadii uu socday isku-socodka gaadiidka iyo ganacsiga.
"Waxaan arkay maydadka laba qof oo shacab ah iyo laba kale oo dhaawac qaba, kuwaasoo ay ku dhacday rasaastii ay labada dhinac is-dhaafsanayeen," ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku ganacsada isgoyska afar-irdood ee degmad Xamarweyne.
Goobjoogayaal kale ayaa HOL u sheegay inaysan jirin khasaare soo kala gaaray ciidamadii dagaalamay, iyadoo boosteejadaas ay labadii ciidan kala wareegeen kuwo booliis ah oo xaaladda si caadi ah kusoo celiyay.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidammo ka wada-tirsan ay isku rasaaseeyaan degmooyinka ay ka taliso DKMG ah, waxaana dagaalladan oo kale ay inta badan sabababaan khasaare soo gaaray dadka shacabka ah.
Dhaawacyada ka dhashay dagaalka ayaa loo qaaday Isbitaallada Muqdisho, halka labdii qof ee dhintay ay ehelladooda goobta ka qaadeen, inkastoo mas'uuliyiinta dowladda iyo kuwa ciidammada aysan weli ka hadlin dagaalkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya