"Waxaan qarax ku dilnay shan askari oo ka tirsan AMISOM kuwaasoo aan miino u gelinay jid ay u maraan difaacyo ay habeenkii iyo maalintii ku kala sugan yihiin, mid ka mid ah maydadkii ku dhintay qaraxa iyo qorigiisii innaga ayaa gacanta ku hayna," ayuu yiri sarkaal u hadlay Xarrakatul Shabaab.
Sakaalkan ayaa sheegay in askarta ay weerarka ku dileen oo u dhashay dalka Burundi ay afar ka mid ah maydadkood weli yaallaan halkii ay qaraxa ay kula beegsadeen xalay, iyagoo sheegay in qaraxa kaddib uu dhacay dagaal kooban.
Madaxda AMISOM ayaan ka hadlin sheegashada Xarrakatul Shabaab ee ku aaddan in qarax la dhigay waddo ay ciidamadooda isticmaalaan lagu dilay shan askari oo ka tirsan ciidanka Burundi.
Dhanka kale, afar qof ayaa ku dhintay dagaallo iyo duqeymo xalay iyo saakay ka dhacay degmooyinka waqooyiga magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay in ka badan sideed qof oo shacab ah.
Madaafiic ay ciidamada AMISOM ka tuureen saldhigyadooda ku yaalla waqooyiga Muqdisho ayaa laba qof oo midi ay haweeney ahayd ku dilay xaafadda Juungal ee degmada Yaaqshiid, halka ay dhaawacmeen shan qof oo kale oo ay ku jirto gabar dhallinyaro ah.
Sidoo kale, dagaal kooban oo saakay ka dhacay degmada Boondheere ayaa dilay laba qof oo midi uu ahaa askari ka tirsan ciidamada DKMG ah, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay saddex qof oo shacab ah.
Dagaalladan iyo duqeymahan ayaa qayb ka noqonaya dagaallo iyo duqeymo ka socday Muqdisho toddobaadyadii ugu dambeeyay, kuwaasoo u dhexeeyay ciidanka DKMG ah iyo AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya