Ra'iisul wasaaraha DKMG Soomaaliya oo maanta sheegay inay deeq gaarsiin doonaan dadka ku dhibaateysan dalka

Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Ra'iisul wasaaraha DKMG ah ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali ayaa maanta ku guddoomay magaalada Muqdsiho deeq ay dowladda Imaaraadka Carabta ugu talogashay in lagu gargaaro shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Dr. C/weli Gaas oo shalay ay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah ayaa sheegay in deeqdan ay si toos ah u gaarsiin doonaan dadka u baahan, isagoo sheegay inay ku dadaalayaan inay siiyaan dadka aadka u daran.

"Waxaan ku dadaalaynaa in deeqdan aysan marin meel kale, balse aan gaarsiinno dadka u baahan, waxaana ballan ku qaadaynaa inaysan marin meel aan loo sharci ahayn ama si kale loo isticmaalo," ayuu yiri Dr. C/weli Gaas.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo uu la wareego deeq caalami ah oo lagu gargaarayo shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sidoo kale maanta booqday dekedda Muqdisho oo deeqda uu ku guddoomay.

"Beesha calaamka waxaan ugu baaqayaa inay gargaar deg-deg ah lasoo gaaraan dadka soo barakacay ee Soomaaliyeed, haddii si dhaqso ah gargaar loola soo gaarin xaaladdu sidan way kasii darnaan doontaa," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha DKMG ah.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaruhu wuxuu sheegay inay dad badan oo abaaraha dalka ka jira kasoo cararay soo gaareen Muqdisho, iyadoo abaaraha dalka ka jira ay marayaan meel aad u xun.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaaruhu wuxuu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay iyaguna xil iska saaraan sidii ay shacabka Soomaaliyeed ee walaalahooda ah ay u gargaari lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya