Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Midowga Afrika ee ka dhcaya dalka Gini

Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya ayaa ka qaybgalaya shirka ururka Midowga Afrika ee ka furamaya berri dalka Gini, waxaana lagu wadaa inuu ka jeediyo shirkaas qudbad ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya oo maanta ka dhoofay Muqdisho ayaa lagu wadaa inay sii maraan dalka Itoobiya, iyagoo halkaas uga sii duuli doona dalka Gini, si ay ugu biiraan 50-ka waddan ee shirkaas ka qaybgalaya.

Madaxweynaha ayaa waxaa wafdigiisa ku wehlinaya xubno ka tirsan DKMG iyadoo mana jirto wax hadal ah oo uu saxaafadda siiyay intii uusan ka dhoofin Muqdisho, waxaana sidoo kale uu safarkiisan imaanayaa iyadoo shalay la ansixiyay ra'iisul wasaaarihii saddexaad ee uu soo magacaabay inta uu xilka hayo.

Shirarkii Midowga Afrika ee uu horay uga qaybgalay madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu dalbaday in la kordhiyo tirada ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, iyadoo la sheegayo in shirkanna lagu dalban doono in la kordhiyo 9,000 askari ee ka socda Burundi iyo Uganda.

Ammaanka dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa ku tiirsan ciidamada AMISOM oo hoostaga Midowga Afrika, kuwaasoo ka difaaca weerarrada kaga imaanaya xoogaga Xarrakada Al-shabaab oo ka talisa inta badan Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya