Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Urur cusub oo lagu magacaabo Golaha Nabadda ee Ahlusunna Waljamaaca ayaa maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, iyadoo golahan uu guddoomiye ka yahay Sheekh Yuusuf Axmed Yalaxow.
Guddoomiyaha golahan ayaa sheegay inay ka shaqeyn doonaan sidii dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga samata-bixin lahaa dhibaatooyinka ay ku jiraan, isagoo soo hadal qaaday inay u arkeen in dhibaatada dalka ka jira looga bixi karo Kitaabka Alle iyo sunnada Nebiga CSW.
"Afar bilood ayaan ku jiray dhisamaha golahan, waxaana markii dambe go'aansanay inaan ku dhawaaqno oo aan shacabka ugu yeerno inay kasoo qaybgalaan," ayuu yiri Sheekh Yuusuf Yalaxow oo saxaafadda la hadlay.
Sidoo kale, guddoomiyaha ururkan wuxuu sheegay in ururkooda uu shacabka ugu yeerayo inay kasoo qaybgalaan sidii dalka looga samatabixin lahaa dhibaatooyinka ku habsaday iyadoo la adeegsanayo diinta Islaamka.
Guddoomiyaha ururka ma uusan sheegin cid gaar ah oo ay xiriir la leeyihiin DKMG ah iyo Xarrakada Al-shabaab oo ku dagaalamaya sidii ay ugu kala adkaan lahaayeen awoodda maamul ee dalka.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jira gole ay leeyihiin Ahlusunna Waljamaaca kaasoo xirir dhowr la leh dowladda KMG ah ee Soomaaliya, sidoo kalena dagaallo kula jira Xarrakada Al-shabaab, balse ururkan ayaa u muuqda mid kaas ka duwan.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya