Kooxo hubeysan oo Ganacsato Soomaali ah xalay ku dilay magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika

Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Tuugo hubeysan ayaa xalay ku dilay magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afrika laba ganacsade oo Soomaali ah, kuwaasoo watay gaari ay ugu soo adeegteen dukaan ay ku lahaayeen duleedka magaaladaas sida ay sheegeen dad ehel iyo saaxiibbo ay ahaayeen.

Labada ganacsade ee la dilay oo lagu kala magacaabi jiray: Daa'uud Faarax iyo Abuukar Macallin Xuseen Ow-Axmed ayaa waxaa lagu dhex-toogtay baabuurkii ay wadeen, iyadoo markaas kaddib laga qaatay gaarigii iyo hantidii saarnayd.

"Dilkan wuxuu dhacay xalay fiidkii, waxaana labada dhallinyarada lagu furay rasaas iyagoo gaarigooda wata madaxa ayaana kaga dhaceen, maydadka dhallinyarada waxaa goobta ka qaaday ciidamada ammaanka," ayuu yiri C/kariin Mursal Faarax oo ka mid ah dhallinyarda daggan Cape-town oo u warramayay BBC-da.

Sarkaal u hadlay booliiska magaalada lagu dilay labada ganacsade ee Soomaaliyeed ayaa sheegay inay baaritaanno ku wadaan kooxihii dilkaas geystay, iyadoo dilkan uu noqonayo kii labaad oo toddobaadkan loogu geysto ganacsato Soomaaliyeed dalka Koonfur Afrika.

Maydadka dhallinyaradan xalay la dilay ayaa lagu wadaa in maanta oo Arbaco ah lagu aaso qubuuraha muslimiinta ee magaalada Cape-town oo ah magaalo ay aad u daggan yihiin Soomaalida ku nool dalkaas.

Habeenkii Isniinta ee lasoo dhaafay ayaa gobolka Estren-Cape ee isla dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay laba ganacsade oo Soomaali ah, kuwaasoo lagu kala magacaabi jiray: Carfaaye Cismaan Calasow iyo Max'ed Xuseen Max'ud, kuwaasoo lagu weeraray dukaan ay lahaayeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya