Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Maamulka Xarrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee gobolka Shabeellada dhexe ayaa xalay kusoo bandhigay xarunta degmadaas ee Jowhar filimaan ku saabsan dagaallada ciidamada DKMG ah oo kaashanaya AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab ku dhexmarya magaalada Muqdisho, iyadoo goobta lagu soo bandhigay filimaantan ay ku sugnaayeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan Xarrakada Al-shabaab.
Filimaantan ayaa waxaa isku-soo-duway telefishinka Al-Kataa'ib ee ku hadla afka Xarrakada Al-shabaab, waxaana qayb ka ahaa qaraxyo lala beegsaday saldhigyada ay ciidamada AMISOM ee ka socda Burundi iyo Uganda ku leeyihiin Muqdisho.
Dadweynaha degmada Jowhar ayaa filimaanta daawaday, iyadoo dadkii goobta ku sugnaa ay sheegeen inay arkeen maydadka askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu jiidayo waddooyinka Muqdisho iyo kuwo kale oo ku dhintay qaraxyo ismiidaamin ah oo lala beegsaday saldhigyadii ay ku sugnaayeen.
Saraakiisha Xarrakatul Shabaab ayaa shacabkii aflaantaas daawanayay ku booriyay inay ka qaybqaataan dagaallada lagula jiro ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM oo ay sheegeen inay yihiin cadow duulaan ku ah diinta Islaamka.
Gobollada dalka qaarkood ayaa sidan oo kale loo geeyay filimaantan si ay dadku u daawadaan, iyadoo magaalada Muqdisho laga baahiyay iyagoo maqal iyo muuqaal ah telefishinka Al-Kataa'ib iyo idaacadda Andulus ee ku hadasha afka Xarrakada Al-shabaab.
Xarrakada Al-shabaab oo ka talisa inta badan gobollada Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya ayaa isku dayaysa inay awood ku qabsato dalka oo dhan, si ay ugu soo rogto ku dhaqanka shareecada Islaamka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya