Ciidamada Puntland oo maanta xabsiga u taxaabay Wariyaha Hiiraan Online ee Puntland Faysal Boston

Arbaco, June 29, 2011 (HOL) – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta barqadii xabsiga u taxaabay wariye Faysal Maxamed Xasan (Faysal Boston) oo ahaa wariyaha Hiiraan Online (HOL) uga soo warrama gobollada Puntland, iyadoo maamulku uusan ka hadlin sababta wariyaha loo xiray.

Wariyaha Faysal Boston ayaa lagu xiray xabsiga degmada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, kaddib markii ciidamada ammaanku ay ka kaxaysteen xafiiskiisa isagoo howlihiisa warbaahineed ku jira.

"Maanta 11:30 baqonimo ayay ciidamo ka tirsan booliiska Boosaaso oo hubeysan ay kala baxeen wariye Faysal Boston xafiiskiisa, wuxuuna illaa iyo hadda ku xiran yahay xabsiga degmada Boosaaso," sidaas waxaa HOL u sheegay wiil ay saaxiibbo yihiin wariyaha.

Lama oga sababta ay ciidamada booliisku magaalada Boosaaso u xireen wariyaha HOL, balse maamulka ayaa cadaadis badan ku hayay tan bartamihii sannadkii hore warbaahinta ka howlgasha deegaannada uu maamulkaas ka taliyo.

Xariga wariye Faysal Boston ayaa waxaa cambaareeyay hay'adah saxaafadda, iyagoo ku tilmaamay xarigaas mid sharci-darro ah, waxayna ugu baaqeen maamulka Puntland inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusii daayaan wariye Faysal Boston.

Hiiraan Online, News Desk